Ahlu-Sunna oo 4 shuruud ku xirtay DF SOMALIA (Laba ka mid ah qodobada oo aad u adag) “Aqri”

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha gudaha dowladda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Xuseen Odowaa ayaa sheegay inay wadahadal la fureen ururka Ahlu Sunna oo ururkaasi  qeyb ka noqon doono  shirka maamul u sameynta Gobolada dhexe ee hadda Cadaado ka socda, wuxuuna intaas ku daray in waanwaan u socoto labada dhinaca sidii loo xalin lahaa colaada ka jirta gobolka Galgaduud.

Guddoomiyaha goleyaasha ee Ahlu Sunna Sheekh Ibraahim Guureye  oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay shuruudo ku xiran inay aqoonsadaan  shirka Cadaado iyo hub dhigis ay ku dhaqaaqaansi ay qeyb oga noqdaan maamulka la dhisayo waxaana shuruudahaasi ka mida:

1. Fulinta Heshiisyaddii la galay ee kala ahaa:

  • Heshiiski Garoowe ee 2009-kii
  • Heshiiskii Alhu sunna iyo Ra’iisal wasaare Saacid
  • Heshiiskii Caleemo Saarka Xasan Sheekh
  • Heshiiskii Maamul u sameynta Gobolada Dhexe
  • Heshiiskii  ugu danbeeyay ee Guriceel

1. Lacag Magdhaw ah

  • Inay  dowladda bixiso lacag dhan 5 Milyan oo Dollar oo Magdhaw ah, taasoo hore loogu heshiiyay si hub dhigis loogu sameeyo Ahlu sunna.

3. Ka qeybgalka Maamulka Gobolada Dhexe

  • In Ahlu-sunna laga qeyb galiyo talada iyo Maamul u sameytnta gobolada dhexe

4. Jagooyin laga siiyo dowladda Federaalka 

Inay qeyb ku lahaato taladda dalka sida xulista Guddiyada Qaran, dhismaha Baarlamaanka iyo Hiigsiga 2016-ka.

Shuruudahan waxaan kasoo koobnay wareysi Radio Goobjoog la yeeshay Sheekh Ibraahim Guureye oo ah Gudoomiyaha Sadaxda Goleyaasha Ahlu Suna, waxayna shuruudahani u muuqdaan kuwo aad u adag oo fulintooduna caqabad weyn ku noqon doonta dadaalka loogu jiro in maamul loogu dhiso gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com