Salaad Cali Jeelle oo su’aal cajiib ah isweydiiyay iyo shaqsiyaad caan ah oo maxkamad uu la rabo

Muqdisho (Caasimada Online)  –Salaad Cali Jeele, wasiirkii hore ee wasaarada Gaashaandhiga dowladii C/llaahi Yuusuf Axmed, ayaa si adag kaga hadlay masuuliyiinta dowlada Soomaaliya ee xilalka u haya shacabka Soomaaliyeed kuwaasi oo inta badan lagu eedeeyo iney musuqmaasuq sameeyaan.

Salaad Cali Jeele, wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed inta badan ay maqlaan maxkamad lasoo taago dadka rayidka ah ee dambiyada kala duwan gala iyo ciidamada dowlada Soomaaliya, laakiin marnaba uusan maqlin masuul dowladeed oo maxkamad loosoo taagayo.

Wuxuu si cad u sheegay in dowlada Soomaaliya bil walbaa ay hesho dhaqaalo ka badan 9 milyan oo doolar, laakiin ay ka warhayaan bixin la’aanta mushaaraadka ciidamada xooga dalka Soomaaliya iyo shaqaalaha rayidka ee dowlada Soomaaliya.

Mr. Jeelle, ayaa ku baaqay in maxkamad lasoo taago masuuliyiinta Dowladda ee ku sifoobay wax isdaba marinta, si looga abaalmariyo ficilada ay geystaan.

“Waxaan maalin kasta aragnaa iyadoo Dembiilayaal la hor-keenayo Maxkamadaha, balse weli lama arag iyadoo  Mas’uuliyiinta dhaca Hantida Qaranka la soo taagayo Maxkamadaha, si looga abaalmariyo hantida uu dhacay.” ayuu yiri  Salaad Cali Jeelle oo la hadlay Idaacada Dalsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com