XASAN oo laga dalbay xil ka qaadista Muungaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa waxaa lagu eedeeyay inuusan waxba ka aqoon Siyaasadda & Maamulka, sidaasi darteedna uu ku fashilmay Maamulka Gobolka.

Xildhibaan Xildhibaan Maxamed Axmed Maxamuud Geelle oo kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Mudadii uu Muungaab joogay Xafiiska Muqdisho ay ku laabatay halkii ay ka keeneen Mas’uuliyiinta isag aka horeysay sida Tarsan oo bilicda & Amniga Magaalada soo celiyay.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in Muungaab uusan la hayen Siyaasad lagu hago Muqisho iyo Dad la taliya intaba, isagoo carabka ku dhuftay in Duqa Muqdisho uu ku Fashilmay Iskushaan dheyn uu ku sameeyay Guddoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir oo Mudo yar oo kaliya joogay Xafiisyada.

“Muungaab waa Nin aanan waxba ka aqoon Siyaasadda & Maamulka, sidaasi darteedna Muqdisho Maamulkeeda waxba kama qaban karo dhinacyada Amniga, dib u dhiska & Adeegyada Bulshada ay u baahan yihiin,’ ayuu yiri Xildhibaanka.

Xildhibaan Geelle ayaa ugu baaqay Madaxda Dowladda Federaalka, gaar ahaan Xasan Sheekh inuu Muungaab Xilka ka qaado, kadib u dhiibo Nin howsha yaqaano, oo kasoo bixi kara Waajibaadkiisa Qaranka u dhiibtay.

Nalalka ku xiran Wadooyinka Muqdisho ee Cad-ceeda ku shaqeeya ayaa intooda badan Dayactir la’aan u densan, waxaana sidoo kale soo batay Muranka dhanka Dhulka markii uu Xilka qabtay Muungaab.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Muungaab oo Shacab badan Guryahooda xoog uga qaatay, sidoo kalena uu Jeebka ku shubtay Dhaqaalihii Caalamka ugu deeqay dib u dhisma Muqdisho, si uu Doorashada 2016 ugu tartamo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com