SHARIIF XASAN oo magacaabaya xilal cusub iyo shaqsiyaad caan ah oo soo wado + Magacyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Koofur galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan uu maalmaha soo socda qorsheynaayo inuu Magacaabo gudoomiyayaal Gobol iyo Taliyayaal ciidan oo ka howlgali doona dhamaan Gobolada iyo Degmooyinka hoostaga Maamulkiisa.

Madaxweyne Shariif ayaa sidoo kale magacaabi doono Gudoomiyayaasha cusub ee Degmooyinka Gobolada hoostaga waxaana la filayaa in Liiska ay ka dhexmuuqan doonaan shaqsiyaad cusub oo ka koobanaan doona dhamaan beelaha halkaasi dega.

Sargaal ka howlgala Madaxtooyada Maamulka ayaa sheegay in Shariif Xassan uu magacaabi doono ilaa 30 Taliyayaal Ciidan oo loo kala dhiibi doono Ciidamada ku kala sugan Saldhigyada, furumaha dagaalka iyo kuwa amaanka waxaana qeyb ka noqon doono Saraakiil dhawaan ka tagay Magaalada Muqdisho.

Warar hoose ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu doonaayo in Taliyaha Ciidamada Sh/hoose uu u magacaabo Gudoomiyihii hore ee howlwadaag Jacfar, halka Abaanduulaha ama Taliyaha Ciidamada loo magacaabayo Cabdullahi Waafoow oo ahaan jiray Gudoomiyihii hore ee deegaanka No. 50.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa suuragal ah sida ay xogtu sheegeyso in Madaxweynaha uu gudaha asbuucaani magacaabi doono ilaa Afar gudoomiye Degmo halka kuwa kalane uu magacaabi doono goorta ay kuwaasi xilalka lawareegan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com