Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka madaxtooyadda Maamulka Somaliland Xirsi cali xaaji xasan ayaa safar ugu ambabaxay dalka Turkiga halkaasi uu dhawaan ka furmi doono shirkii u dhaxeeyay DF Somalia iyo Maamulka Somaliland.
Shirkaani ayaa waxaa la filayaa in maalmaha soo socda uu ka furmi doono Magaalada Istanbuul ee Cariga dalka Turkiga, iyadoona ay ka qeybgali doonaan min laba xubnood oo ka kala socda DF Somalia iyo Maamulka Somaliland.
Xubnaha ka socda DF ayaa waxaa la tilmaamayaa in maanta iyo wixii ka dambeeya ay u ambabaxaan Magaalada Ankara oo uu ka furmi doono shirka ay labada dhinac uga arinsanayaan Midnimada Qaranka Somalia.
Shirkaani ayaa dhowr jeer baaqday kadib markii uu saameyn ba’an ku yeeshay Khilaafka ka dhexeeya Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isulwasaare C/weli taasi oo sababtay inuu ku imaado dib u dhac xiligaani soo gaarsiiyay.
Dhanka kale, waxaa hadda Istanbuul ku sugan Wasiirka Arrimaha Dibadda Maamulka Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, iyadoona halkaasi uu weli ka socdo gogol xaar ay Safaarada Soomaalida Istanbuul ugu jirto soo dhaweynta Wufuuda DF Somalia uga qeybgali doono shirkaani looga wada xaajoonayo Midnimada dalka, waxaana la filayaa in gudaha Asbuucaani uu dib u furmo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]