Wada hadalladii Ethiopia iyo Ururka ONLF oo u bur buray dastuurka.

Ururka ONLF ayaa sheegay in wadahadalkii ka dhaxeeyay dowladda Itoobiya uu hakad ku yimid kadib markii ay labada dhinac isku mari waayeen arrimaha dastuurka.

Sarkaal sare oo ka tirsan ururka ONLF ayaa  sheegay in dowladda Itoobiya ay doonaysa in urruka ONLF uu aqoonsado dastuurka Itoobiya ka hor intaan la guda gelin qodobada hor yaalla labada dhinac.

Cabdinur Faarax oo ururka ONLF u qaabilsan Bariga Afrika, ayaa sheegay in ururkooda uusan aqoonsanayn dastuurka loogu dhaqmo Itoobiya.

Kulankani ayaa ah kii labaad ee labada dhinac ku dhex maro Kenya, iyadoo horey ay ugu heshiiyeen qodobada laga wada hadlayo.

Hadii wadahadalkan dib loogu noqda, waxa ugu horeeya ee laisla meel dhigi doona waa xabad joojin rasmi ah, maadamaada dagaalka ONLF iyo Itoobiya u dhaxeeya uu weli socdo.

Ka dibna waxaa la guda geli doonaa dhamaystirka qodobada lagu wada heshiinayo oo dabcan ay ka mid noqonayaan, awooda iyo maamulka gobolka Soomaalida.