25 C
Mogadishu
Wednesday, July 9, 2025

Wada-hadalladii Soomaaliya iyo Itoobiya ee Tukrigu dhex-dhexaadinayey oo burburay

Bookmark
Bookmarked

Share

Ankara (Caasimada Online) – Dadaal muddo sannad ah socday oo dowladda Turkigu ku doonaysay inay ku qaboojiso khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa lagu soo warramayaa inuu hakad galay, sida ay Arbacadii sheegeen diblomaasiyiin Soomaali iyo Itoobiyaan ah, ka dib markii xiriiradii labada dhinac ay burbureen, sabab la xiriirta loolanka Addis Ababa ugu jirto inay hesho marin badeed oo toos ah iyadoo sii maraysa Somaliland.

Dhexdhexaadintan oo bishii Febraayo 2024 ka bilaabatay magaalada Ankara, ayaa ujeeddadeedu ahayd in lagu qaboojiyo xiisad ka dhalatay kaddib markii dalka aan badda lahayn ee Itoobiya uu 1-dii Jannaayo, 2024 heshiis is-afgarad ah oo muran badan dhaliyay la saxiixday Somaliland.

Heshiiskan wuxuu Itoobiya siinayay marin dhererkiisu yahay 20 kiilomitir oo isugu jira mid ciidan iyo ganacsi oo ku teedsan Gacanka Cadmeed, iyadoo taa beddelkeeda Itoobiya ay aqoonsi diblomaasiyadeed siin karto jamhuuriyaddan iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday. Dowladda Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku gacan sayrtay, kuna tilmaantay “xadgudub bareer ah” oo ka dhan ah madax-bannaanideeda, waxayna bilowday olole diblomaasiyadeed oo xooggan oo ay ku hor istaagayso.

Saddex wareeg oo wadahadallo ah oo Ankara ay martigelisay ayaa 11-kii Diseembar, 2024, lagu soo gabagabeeyay “Baaqii Ankara” oo ahaa mid ku-meelgaar ah, kaasoo labada dhinac ay ku heshiiyeen inay yeeshaan wada-sheekaysi heer farsamo ah, ayna ballanqaadeen inay ixtiraamaan midnimada dhuleed ee midba midka kale. Hase yeeshee, kulammadaas heerka khubaro oo dhacay intii u dhaxaysay 2-dii iyo 4-tii Febraayo, 2025, ayaa ku turunturooday is-mariwaa ka dhashay sidii loo kala horreysiin lahaa arrimaha marinka badda iyo aqoonsiga.

Tan iyo bishii Abriil ma jiro wax kulan ah oo kale oo la qabtay, sida ay Caasimada Online u sheegeen laba sarkaal oo arrintan la socday, kuwaasoo codsaday inaan magacooda la shaacin maadaama aan loo idman inay warbaahinta la hadlaan.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa 3-dii Luuliyo mar kale baarlamaanka dalkiisa u adkeeyay mowqifka Itoobiya, isagoo helitaanka badda ku tilmaamay “arrin jiritaankooda ku xiran”. Hadalkiisa ayaa u muuqday mid uu ku celinayay khudbad uu jeediyay 5-tii Jannaayo, 2024, taasoo uu ku sheegay in Itoobiya aysan sii ahaan karin “jasiirad biyo ku xeeran yihiin”. Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa ka jawaabtay, iyadoo heshiiska Somaliland ku tilmaantay “dhul-boob xasiloonida meesha ka saaraya”, waxayna ku boorrisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inuu soo farageliyo.

Firaaqa diblomaasiyadeed ee abuurmay ayaa soo jiitay awoodaha gobolka.

Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah el-Sisi, ayaa kaddib kulan uu toddobaadkan gudihiisa kula yeeshay dalkiisa Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu ballanqaaday gacan militari oo dheeraad ah si loo sugo amniga marinnada maraakiibta ee Badda Cas. Tallaabadan ayaa falanqeeyayaashu u arkeen mid si dadban loogu miisaamayo damaca Itoobiya ee xeebaha. Dhankiisa, Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa bishii Oktoobar ku adkaystay inuu hirgelin doono heshiiska is-afgaradka (MoU), isagoo ku eedeeyay Muqdisho inay samaysatay “isbahaysi” ay la leedahay Qaahira iyo Asmara si loo carqaladeeyo mustaqbalka dhaqaale ee gobolkiisa.

Dowladda Turkiga, oo ah dal tababara ciidanka Soomaaliya isla markaana diyaaradihiisa caanka ah ee drones-ka ka iibisa Itoobiya, waxay isku dayday inay muujiso door dhexdhexaadnimo ah. “Waa in dhinacyada oo dhami ay ixtiraamaan xuduudaha caalamiga ah ee la aqoonsan yahay,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda, Hakan Fidan, markii ay wadahadalladu furmeen bishii Agoosto ee tagtay. Hadda, falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa sheegaya in guul-darrada Ankara ay hoosta ka xarriiqayso isbeddelka ku socda isbahaysiyada awoodaha Geeska Afrika, xilli ay dowladuhu raadinayaan dammaanad amni iyo marinno ganacsi oo cusub.

Somaliland, oo ah maamul iskeed isu maamula tan iyo 1991-kii balse aan helin aqoonsi caalami ah, ayaa ku doodaysa in heshiiska dekadda uusan u baahnayn oggolaansho uga yimaada Muqdisho. Dhanka kale, mas’uuliyiinta Soomaaliya waxay ku adkaysanayaan in heshiis kasta oo la gaaro iyadoon oggolaan dowladda federaalku uu yahay mid sharci ahaan buray, halisna ugu jiro inuu colaad cusub ka huriyo gobolka Badda Cas.

Diblomaasiyiintu waxay ka digayaan in is-mari-waagan uu carqaladeyn karo howlaha la-dagaallanka burcad-badeedda ee marinka mashquulka badan ee Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, isla markaana uu sii adkeyn karo gaarsiinta gargaarka bini’aadannimo ee gobollada waqooyiga Soomaaliya ee ay abaaruhu ku dhufteen.

Waxaa sidoo kale jirta cabsi laga qabo inuu wiiqo guulaha aan weli cagaha adag ku taagnayn ee laga gaaray la-dagaallanka Al-Shabaab. Hadda, ma jirto cid dhexdhexaadiye ah oo u muuqata inay diyaar u tahay inay gasho kaalintii Turkiga, taasoo ka dhigan in su’aasha ugu weyn ee muranka badda ee gobolka ay weli tahay mid aan xal loo helin.

 

- Advertisement -

Read more

Local News