26.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Wada-hadalladii webiga Nile oo burburay iyo Masar oo war culus soo saartay

Bookmark
Bookmarked

Share

Qaahira (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdelatty ayaa shaaciyay in wada-hadalladii u dhexeeyay Masar, Itoobiya iyo Suudaan ee ku saabsanaa biyo-xireenka Itoobiya ay istaageen, taasoo muujinaysa in aan wax natiijo ah laga gaarin dadaalladii diblomaasiyadeed.

Wasiirka ayaa arrintan ku tilmaamay mid nasiib darro ah, isagoo xusay in Masar ay mar walba ka shaqaynaysay sidii wada-hadalladu u mira dhalin lahaayeen, balse ay ku dhammaadeen is-faham la’aan.

“Waxaan si toos ah u sheegnay in geeddi-socodka wadahadalka uu gaaray waddo xiran,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar.

Waxa uu intaas kusii daray “Marar badan ayaa ku cel-celinay in Masar ay xaq u leedahay inay isdifaacdo oo ay ilaaliso danahaheeda biyaha hadii ay la kulanto hanjabaad kasta.”

Muddo dheer ayay Masar cabasho ka muujinaysay saameynta biyo-xireenka Itoobiya ee Webiga Nile, iyadoo ka baqaysa in buuxinta xireenkaasi ay wiiqi karto helitaanka biyaha ay aadka ugu tiirsan tahay.

Webiga Nile ayaa Masar muhiimad weyn u leh, maadaama uu yahay isha ugu weyn ee biyaha dalkaasi, gaar ahaan dhinacyada nolosha bulshada, wax-soo-saarka beeraha iyo tamarta korontada.

Warkan ayaa imanaya iyadoo xiisadda u dhaxaysa Masar iyo Itoobiya ay markale cirka isku shareertay, kadib markii Itoobiya lagu eedeeyay in ay si keligeed ah u waddo buuxinta biyo-xireenka, iyada oo aan laga gaarin heshiis saddex geesood ah oo dhinacyadu ku qanci karaan.

- Advertisement -

Read more

Local News