Wada-hadallo u furmay DF iyo GalMudug + Sawirro

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxtooyada magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud waxaa kulan gaar ah uu kaga socdaa madaxweynaha Galmudug, madaxa xukuumadda iyo wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

Kulankaasi ayaa ka dambeeyay kadib markii wasiirka arrimaha xukuumadda Soomaaliya uu gaaray magaalada Dhuusomareeb, iyadoo halkaasi uu u tagay xalinta khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo madaxda Galmudug.

Kulanka ka dhacay magaalada Dhuuromareeb ayaa hordhac wuxuu u yahay kulamo la filayo inay magaalada ku yeeshaan maalmaha soo socda masuuliyiinta maamulka Galmudug.

Wadahadalada ayaa intooda badan waxaa diirada lagu saarayaa in heshiis rasmi ah laga gaaro waqtiga ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha Galmudug oo maalmihii la soo dhaafay ay isku khilaafsanaayeen Dowladda Federaalka iyo Madaxda Galmudug.

Galmudug ayaa ka hortimid qorshaha dowladda Soomaaliya damacsan tahay oo ah in bisha July doorasho ay ka dhacdo Galmudug, iyadoo madaxda Galmudug ay doonayaan in doorashada qabsoonto seddex sano kadib.