28.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Wada-Hadalada Addis-Ababa: DF oo ku adkeysatay GUDDOOMIYE iyo KMG iyo Guuleed oo cayaarta wax ka beddelay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Wada hadalladii dowladda Somalia iyo Axmed Madoobe ee ka socda magaalada Addis-Ababa, ayaa mar kale jiho qaldan u weecday, kadib markii dowladda Somalia ay ku adkeysatay dhowr  qodob oo ay sheegtay inaysan marnaba ka tanaasueyn.

Inkasta oo qodobada ay yihiin illaa afar, haddana waxaa ugu weyn laba qodob.

Ergada DF Somalia, ayaa soo jeedisay in maamul KMG labo sanno ah loo aqoonsado Jubaland, halka Axmed Madoobe uu noqonayo Gudoomiye, oo aanu ahayn madaxweyne, waxana si wayn uga biyo diiday arinta Gudoomiyaha ergadii Jubaland oo sheegay in dastuurkooda iyo kan Federaalka Somalia ay ka hor imaneyso.

Waxaa la rumeysan yahay in ku biiritaanka wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee wada hadallada ee shalay ay wax weyn beddeleen, ayada oo markii hore magaalada Muqdisho ay ka jirtay cabsi ah in Faarax Cabdulqadir uu sameynayey tanaasul fara-badan, taasi ay keyntay in la diro Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Qaar ka mid dadka ka qeyb galay kullanka ayaa sheegay in madaxweyne ama guddoomiye tii loogu yeeraba Axmed Madoobe aysan macno sameyneyn, oo taasi xal laga gaari karo, hase yeeshee qodob-ka KMG ah uu yahay midka hadda doodda ay ka taagan tahay.

”Madaxweyne iyo maamul wax ka yar yeeli mayno inaan qaadano” ayaa waxaa yiri sarkaal ka tirsan ergada Jubaland oo shirka isagoo ku jira la hadlay Caasimada Online.

“Waxa weli socda qorshihii Villa Somalia ee ahaa in maamul KMG sanad ilaa laba sanno loo soo magacaabo kaasi oo Muqdisho looga arimiyo” ayuu ku andacooday sarkaal ka tirsan ergada Jubaland.

Wada hadallada ayaa laga cabsi qabaa inay qodobka KMG ah dartiis u bur buraan, sida ay sheegeen xubno ku dhow shirka, waxaana galabta si aad ah dadaallo u waday xubno ka socda, IGAD, EU, QM iyo AU si loo bad baadiyo wada-hadallada.

Sida qorshaha uu ahaa shirka maanta ayaa la soo afjari lahaa, balse waxaa soo baxay qoddobadan cusub ee la isku maandhaafsiisan yahay, kuwaasi oo markii hore u muuqday in waftiga DF ay ka tanaasulayaan.

Waxaa jirra warar sheegaya in wafdiga dowladda ay dhaliilo kala kumeen madaxda dowladda, waxaana jiray xiriiro badan oo ka imaanayay dhinaca Muqdisho kuwaasoo loo sheegayay wafdiga dowladda ee u matalaya shirka.

Wararka ay heshay Shabakadda Caasimada Online, ayaa sheegaya in madaxda dowladda sida Raysal wasaaraha ay ku wargaliyeen ergada dowladda u joogta shirka Addis Ababa in ay wax badan ku ciyaareen isla markaana ay ka baxeen wax yaabo lagula dar-daarmay markii ay ka ambabaxayeen Muqdisho.

Ra’iisal wasaaraha ayaa wuxuu dalbanayaa in marka laga reebo Axmed Madoobe inta kale ee maamulka Jubbooyinka iyo Gedo ay soo dhisto xukuumada uu hoggaamiyo.

Maxay yihiin qoddobada kale ee la isku mari la’yahay?

In kastoo qoddobada inta badan la isku afgartay haddana waxaa jirra qoddobo ilaa hadda aan xal loo helin, waxaana ka mid ah:

1-In Cabdulaahi Ismaacil Fartaag oo ah ku-xigeenka Axmed Madoobe lagu bedelo nin lagu magacaabo  Cabdi Shire oo adeer uu yahay Barre Hiiraale oo ka mid ah garabyada isku haya magaalada Kismaayo kuwana dhawaaqay madaxweynaha Jubbland.

2-Cida maamuleysa dekedda iyo garoonka Kismaayo, in kastoo markii hore la sheegay in qoddobkan la isku raacay balse gadaal laga keenay muran.

3-Magaca loo bixinaayo Maamulka Jubbooyinka iyo Gedo iyo Maamulka Jubbland uu sii shaqeeyo muddo kumeel gaar ah.

4 – In Axmed Madoobe lagu magacaabo Guddoomiye ama Governor, oo aan loogu yeerin madaxweyne.

Shirkan ayaa ku soo beegmaya muddo 20-cisho laga joogo xilligaas oo madaxda dowladaha ciidamadooda ay ka joogaan Soomaaliya ay ku shireen magaalada Kampala ee xarunta Uganda, waxaana shirkaas lagu dhawaaqay in dowladda lagu wareejiyo maamulka dekedda iyo garoonka Kismaayo.

FG: Caasimada Online waxa ay mar walba idiin soo gudbineysaa hadba heerka ay marayaan wada hadallada, waxaana macquul inaad aragtaan warar kala duwan, waxaana ugu wacan is-bed-beddelada ay sameynayaan ergooyinka shirka.  Ha ka fogaan Caasimada Online.

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News