Wadaad ka tirsanaa kooxda Taalibaan iyo 18 kale oo lagu dilay qarax lala eegtay Masjid

Kabul (Caasimada Online) – Weerar ismiidaamin ah oo Jimcihii ka dhacay Masaajid aad u camirnaa oo ku yaalla dhinaca galbeed ee dalka Afghanistan ayay ku dhinteen ugu yaraan illaa 18 qof oo ka mid ahaaa dadkii ku cibaadaysanayey Masaajidkaas.

Dadka dhintay waxaa ku jiray wadaad caan ahaa oo ka tirsanaa ururka Taalibaan,sida ay warisay warbaahinta gudaha.

Saraakiisha booliska ayaa sheegay in Sheekhan caanka ahaa oo lagu magcaabi jiray Mujibur Rahman Ansari, in weerarka lala beegsaday isaga oo dadweynaha ku tujinayey salaaddii Casar, masaajid ku yaalla magaalada Herat ee ku taalla xuduudda dalkaasi la wadaago dalka Iran

Ugu yaraan 24 qof oo kale oo ka mid ah dadkii cibaadaysanayey ayaa iyaguna isla goobtaas ku dhaawacmay, waxaana la filayaa in tirada dhimashadu ay sii korodho, sida ay sheegayaan laamaha ammaanka iyo goobjoogayaal kala duwani.

Afhayeen sare oo u hadlay ururka Taalibaan oo lagu magcaabo Zabihullah Mujahid ayaa cambaareeyey weerarkan, isaga oo wacad ku maray inay sharciga la tiigsan doonaan dambiilayaasha weerarkan ka dambeeyey.

Wadaadka la dilay ayaa ahaa sheekh si weyn u dhaleecayn jiray dawladdii hore ee uu Maraykanku taageeri jiray ee ka dhisnayd dalka Afghanistan iyo weliba ciidamadii reer Galbeedka ee ku sugnaa Afghanistan.