Wadaaddo Yuhuud ah oo booqday xafiiska Ilhaan

Washington DC (Caasimada Online) – Koox wadaaddo ah oo ka socday Yuhuudda deggan Mareykanka ayaa booqday Xafiiska Xildhibaanad Ilhaan Cumar ku leedahay magaalada Washington.

Wadaaddadan ayaa waxaa ay ka socdaan Mad-habka Orthodox  ee ay heystaan Dadka ka soo jeeda Israel, kuwaas oo todobaadyadan weerar dhinaca afka ah ku haya Ilhaan Cumar.

Rabbi Dovid Feldman, oo ah Wadaadka u hadlay kooxda u tagtay Ilhaan Cumar ayaa sheegay in dadka ay isku qaldayaan waddaniyadda xagjirka ah iyo Diinta.

Waxaa uu sheegay in Ilhaan ay wax ka sheegtay waddaniyadda fogaatay ee Xukuumadda Israel hadda dhaqan gelineyso ee aysan wax ka sheegin Diinta Dadka Yuhuudda ah.

Rabbi Dovid Feldman, ayaa intaas ku daray in ay taageero u muujinayaan Ilhaan Cumar sidaasna ugu tageen xafiiskeeda si meesha looga saaro waxa lagu sheegay isir naceybka la sheegay in ay faafisay.

Wadaadkan ayaa xusay in Mareykanka uu ku dhisanyahay kala argti duwanaan, Hay’adda matasha Yuhuudda Mareykanka ee AIPAC-na wax laga sheegi karo maaddaama aysan hay’adda ahayn diinta dadka Yuhuudda ah.

Caasimada Online
Xafiiska Columbus
caasimada@live.com