Wiil ruwaayad ka sameeyay musuq-maasuqa ka dhex jira HirShabelle oo la xiray

Jowhar (Caasimada Online) – Ciidamada Booliiska ee magaalada Jowhar ayaa xiray wiil dhalinyaro ah oo dhowaan Ruwaayad ka sameeyay qaabka ku dhisan musuq maasuqa ee lagu shaqaalaysiiyo dhalinyarada ku nool Gobalka Shabeelaha dhexe ee Soomaaliya.

Wiilkaan la xiray ayaa lagu magacaabaa Maxamed Axmed Cabdulle waxa uuna sameeyay Ruwaayad uu ugu magac daray “Anaa magaalo ku dhashay”, waxana ka soo muuqday Ruwaayadaasi xaaladda dhabta ah ee ka jirta HirShabeelle markii shaqaalo cusub loo qorayo maamulka Gobalka iyo kan HirShabeelle.

Meelaha uu xoogga saaray waxaa kamid ah in maamulka HirShabeelle markii uu shaqaale qaadanayo ay ku xushaan qaraabo kiilnimo, sidoo kalane badankooda laga keeno baadiayaha Shabeelaha dhexe.

Wiilkaan ayaa sheegay in dhalinyarada waxbaratay ee ku nool Jowhar iyo magaalooyinka kale aysan helin wax shaqo ah taasina ay ugu wacantahay in qabiil iyo eex lagu shaqaaleysiiyo dhalinyarada si gaar ahna loo xusho dadka baadiyaha ka yimaada oo aan rabin lacag badan, waxbarasho iyo fasax midna sida uu ku sheegay Ruwaayadiisa.

Xafiiska ugu badan ee shaqaalaha qaata, sidoo kalane shaqaalaysiiyo ayaa la sheegay in uu yahay Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Cali C/llaahi Xuseen “Cali Guudlaawe” waana sababta la sheegay in uu u bixiyay amarka lagu xiray wiilkaasi dhalinyarada ah, sida ay sheegeen ehelleada wiilka.

Ehelada wiilka la xiray ayaa Caasimada Online u sheegay in ay socdaan dadaalo lagu sii daynayo waxa wiilkooda loo xirayna ay tahay oo kaliya Ruwaayadda uu sameeyay. Hogaanka HirShabeelle ayey ka dalbadayn in loo sii daayo wiilka ka xiran ee soo bandhigay dareenkiisa ku aadan shaqa la’aanta heysata.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
caasimada@live.com