Wadahadalkii laga dhex waday guddoonka BF oo rajo beel isku rogay

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena shalay ku sheegnay waxaa fashilmay wadahadalkii laga dhexwaday Guddoonka baarlamaanka Somalia iyo Xildhibaanada Mooshinka wada.

Fashilka wadahadalka ayaa soo degdegay kadib markii garabka taabacsan Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Jawaari ay ka weecdeen qodobo loo jideeyay si xal waara looga gaaro buuqa ka dhashay Mooshinka.

Wadahadalka u muuqda inuu fashilmay ayaa soo bilowday maalinta sabtidii aheyd ee la baajiyay kulanka codka loogu qaadi lahaa Guddoomiye Jawaari, waxaana shalay ilaa xalay soo baxaayay in wadahadalka uu ka socon waayay Jawaari iyo garabkiisa.

Waxyaabaha wadahadalka raja beelka ku riday ayaa waxaa kamid ahaa in Xildhibaanada Jawaari ay weli Hoteelada Muqdisho ku qabanayaan kulamo lagu duraayo Madaxda dalka iyo Xildhibaanada Mooshinka kawada Jawaari, halka garabka kasoo horjeeda Jawaari ay xiisada hakiyeen wixii ka danbeeyay tallo soo jeedinta Madaxweyne Farmaajo ee lagu hakiyay kulanka Sabtigii lasoo dhaafay.

Xildhibaanada garabka Jawaari ayaa ku goodinaaya in  carqalad ka sameyn doonaan kulanka lagu balansan yahay maalinta bari oo ku beegan Arbaco, waa haddii Hoolka baarlamaanka la geeyo wax khuseeya Mooshin.

Dhinaca kale Xildhibaanada difaacaya Gudoomiyaha Golaha Shacabka, ayaa ka digaya suurtagalnimada in maalinta berri ah Baarlamaanka la horkeeno Mooshinka laga soo gudbiyay Gudoomiye Jawaari.

Waxa ay ku goodinayaan in carqaladooda ay sii socondoonto inta uu taagan yahay Mooshinka Jawaari, hase ahaatee waxaan goodintaasi ka jawaab celin Madaxtooyada Somalia, oo rajo ka qabta in xal un loo helo xiisada taagan.

Xildhibaanada qaar ayaa warbaahinta ka sheegay in Mooshinkooda uu yahay mid sax ah, maalinta Arbacada oo Berri ku beegana Baarlamaanka ay horgeynayaan si codka kalsoonida ah loogu qaado Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Maxamed Sheekh Cismaan ‘’Jawaari’’.

Sidoo kale, Xildhibaanada Diafaaca baarlamaanka ayaa ku doodaya in la wado qorshe kulan hoosaasin ah inuu berri qabsoomo, waxayna sheegayaan haddii taasi ay dhacdo inay ka cabsi qabaan dalka inuu galo marxalad cusub oo foodo ah.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa aad looga cabsi qabaa in xiisada soo rogaal celisay ay kusoo baxaan Beesha Caalamka oo iminka laga dalbaday in xal u helida xiisada ay u madax-baneyso Madaxtooyada Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com