Xildhibaan shaaciyay inuu soo rogaal celiyay khilaafka mooshinka Jawaari iyo digniin culus oo laga soo saaray qorshaha socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa daboolka ka qaaday inuu soo rogaal celiyay Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Xildhibaan Cabdi fitaax Axmed oo ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka ayaa sheegay in xiisada ka taagneyd Mooshinka ay dib ugu soo laabatay halkii ay horay u taagneyd.

Waxa uu Xildhibaanku sheegay in Madaxda ugu sareysa ee dalka laga doonayo inay xoojiyaan dadaalada lagu doonaayo in lagu xaliyo xiisada soo rogaal celisay, waxa uuna si cad u sheegay in arrinku uusan aheyn mid sahlan.

Xildhibaan Cabdi fitaax Axmed waxa uu intaa ku daray inay jiran xildhibaano yar oo fowdo ka dhex wada baarlamaanka Somalia, kuwaas oo doonaya in ay qabtaan kulan cod gacan tag ah  loogu qaado Mooshinka gudoomiye Jawaari taasina ay ka digayaan.

‘’Waxaan ka digayaa inaan dalka lagu sii hogaamin boholo mugdi ah, waxaan ku baaqayaa in wadada saxda ah loo maro Mooshinka, si loo samatabixiyo dalka’’

Sidoo kale, Xildhibaan Cabdi fitaax Axmed, waxa uu sheegay in wakhtigaan ay ka digayaan in fowdo Siyaasadeed ay ka dhacdo kulanka Arbacada, islamarkaana Madaxweyne Farmaajo laga doonayo in xiisada Siyaasadeed ee taagan uu xalka keeno.

Haddalka Xildhibaan Cabdi fitaax Axmed, ayaa imaanaya xili mar kale uu soo rogaal celiyay Mooshinka Guddoomiye Jawaari, wallow garabka iminka wada fowdada uu yahay kan Jawaari.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com