Daawo: Xildhibaanada Jawaari oo digniin soo saaray iyo walaac laga qabo in arbacada…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada kasoo horjeeda Mooshinka laga gudbiyay Guddoomiye Jawaari ayaa shaki badan ka muujiyay Kulanka Golaha Shacabka ee la filaayo inuu qabsoomo maalinta Arbacada ee fooda nagu soo heysa.

Xildhibaanada oo isku magacaabay ‘’Badbaadada Baarlamaanka’’ ayaa sheegay inaanu waxba iska bedelin khalalaasihii laga soo gudbay ee laga cabsi qabay inay dhacdo Sabtidii lasoo dhaafay, balse ay u muuqato in loo weeciyay maalinta Arbaca ee nagu soo fool leh.

‘’Haddii magaca Qaranka la ilaalinaayo maaha in maalinta Sabtida ay u ekaato maalinta Arbacada macno ma sameyneyso maalmaha dhiman ee dhexda ku jira, waa un wakhti Soomaali ka lumay’’ ayuu yiri Fiqi oo kamid ahaa Xildhibaanada welwelka ka qaba in Kulanka Arbacada soo socda lagu dulqabto codeynta Mooshinka.

‘’Waxaan ka walwalsanahay in Madaxweyne muddo Seddex asbuuc ku dhow ka aamusnaa xiisada oo hadda u gacanqaaday xalinta uu hadana sideeda kusoo gabagabeeyo xiisada, waxa ay taasi keeni kartaa calaamad su’aal’’

Xildhibaanada ‘’Badbaadada Baarlamaanka’’ ayaa waxaa hadalkooda laga dheehankaraa inay aad uga walwalsan yihiin in Kulanka la filaayo inuu furmo maalinta Arbacada uu isku rogo mid lagu qaadayo codka kalsoonida Guddoomiye Jawaari.

HOOS KA DAAWO MUUQAAL MUUJINAAYA WALWALKA LAGA QABO KULANKA ARBACADA