Jawaari ma wuxuu doortay wadadii Robert Mugabe iyo Zuma?

HORDHAC

Allaah ayey mahad oo idili usugnaatay, nabadgalyo iyo naxariisi Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

ROBERT MUGABE VS ZANU-PF

Intaa kabacdi, dadka arimaha siyaasada lasocda, waxeey wada ogyihiin dhacdadii ka dhacday dalka Zimbabwe, oo aheyd in kadib markii lagu wada kacay madaxweeynihii horee dalka Zimbabwe: mudane Robert Gabriel Mugabe, maadaama uu madaxweeyne-kuxigeenkiisii (Emmerson Mnangagwa) naftiisa ulacararay dalka Koonfur Africa, kadib markuu isaga baqay xaaska madaxweeyne Mugabe (Grace Ntombizodwa Mugabe), oo in eey xilka Madaxweeynenimo kadhaxasho rabtay seeygeeda, ayaa ugu dabeyn ciidamada dalka talada lawareegeen, una bandhigeen in uu si sharaf leh xukunka uga tago, maadaama uu yahay hogaamiyihii xoriyada dalka, eeyna dhibeeyso in eey bahdilaan odeygaa taariikhdaa weyn dalka kuleh. Waxeey uballanqaadeen in eey waxbadanoo wanaajin ah meel usaarayaan, sida: mushaarkiisa, caafimaadkiisa, amniga isaga iyo qoyskiisa…. Iwm, balse dhanka  kale,  haduu iska diido in uu xukunka kadago, waxeey  usheegeen ineey codka kalsoonida kala noqonayaan baarlamaanka dhexdiisa. Maadaama isla ururkiisii ZANU-PF ee xukunka ku hayey, go’aansadeen in eey codka kalsooni-kalanoqoshada uqaadayaan, mudana odeyga is adkeeynayey, ayuu ugu dambeyn markuu ogaaday in aanu kabadbaadeeynin, marba hadii xitaa ururkiisii kacodeeynayo, ayuu isgaroowsaday, isna casilayoo xukunkii kadagay, intii baarlamaanka dhexdiisa lagu bahdili lahaa, illeen nin weeyni geeridiisa wuu yaqaanaaye.

ZUMA VS ANC

Waxaa jirtay dhacdo taa iyana la mid aheyd, oo kadhacday dalka Koonfur Afrika, kadib markii madaxweyne Jacob Gedleyihlekisa Zuma,  lagusoo eedeeyey musuqmaasuq waalli ah, oo aheyd in qoyskiisa, qaraabadiisa, iyo asxaabtiisa eey aad uga macaasheen qandaraasyada dalka, dhaqaale xooganna kasameeyeen. Ururada  mucaaradka wax weey kaqaadiwaayeen intuu heystey taageerada ama dulqaadka xisbigiisa ANC ee talada dalka haya.

Ugu dambeyn isla ururkiisii ANC, ee kursiga madaxweeynenimada saaray, kuna hayey ayaa go’aansaday in eey kacodeeyndoonaan marka codka kalsooni-kalanoqoshada laqaadayo. Madaxweyne Zumo muduu is adkeeynayey, balse markeey ucadaatay in hade Baarlamaankoo dhan, oo ANC-dii kujirto codka kalsooni-kalanoqoshada uwada qaadayaan, ayuu isna go’aansaday in uu xilka katagoo iscasilo, intii baarlamaanka dhexdiisa lagu bahdili lahaa. 

JAWAARI VS  KHEYRE IYO 193-XILDHIBAAN

Go’aanka ah in uu Madaxweyne Farmaajo soodhexgalo, saacadihii ugu dambeyey “Aakhiru-Saac” ee laqaban lahaa kulankii Baarlamaanka, ee codka kalsooni kalanoqoshada ah, ee 193-Xildhibaan ugu qaadi lahaayeen Jawaari, iyadoo dagaal siyaasadeedoo faraha looga gubteyna raga ishayyaahi isla soomareen, wax sahlan ma aheyn. Saaxiibkii RW kheeyre iyo xitaa mustaqbalka siyaasadeed ee MD Farmaajo ayuuna halis weyn galinkaraa. Gaar ahaan Raysalwasaare Kheeyre. Bal xaaladan aqristoow qiimee: Dagaal adag ayaad gashay (Kheeyre), ninkii aad dagaallameeyseen (Jawaari), feer iyo faralaab ayaad iskala daasheen, markii goomanka idin wada barareen kadib, ayaa dhexda leysqabsaday. Wixii la isla raftaba, alleeylahe waad lagaday, markuu kuuliicay, oo aad dhulka usiiwado, ayaa saaxiibkaa (Farmaajo) idinkala qabtay, ama markaad dhulkaba dhigatay ayuu kuugadiyey! Bal kawaran marka,  illeen waxa dhacay waa sidaa siyaasad ahaane.

Madaxweeyne farmaajo waxaan rajeeynaya in uu kadharagsan yahay, fahmi karana in dagaalka kadhexeeya Jawaari iyo Kheeyre meel xun gaaray. Hadii soo dhexgalida MD Farmaajo darteed uu Jawaari kubadbaadana, waloow xaalku “Hakin” oo kaliya yahay, hadana cajalada mooshinnada dhanka kale ayey mudo kooban dibadeed urogmaneeysaa, taasoo ah in laga takhaluso RW Kheeyre iyo xukuumadiisa marka hore, marka taa lagu guuleeystana, waxaa xigidoona sidii Farmaajana looga takhalusi lahaa.Waa hubaal kalahari maayaan, illeen qorshuhu waasidaase.

Waxaa warbaahinta qaar sheegtey,  in inta aanu Madaxweeynaha Aakhiru-saaca hakinin kulanka baarlamaanka, ee codka kalsooni-kalanoqoshada loogu qaadi lahaa, uu Jawaari laxiriiray Madaxweynaha, kana codsaday in uu kulanka Baarlamaanka hakiyo, oo  wadahadal iyo heshiis lamid ah kii Mugabe iyo Zuma uu dhacay, oo ahaa in si buuq iyo dhib la’aan ah uu isucasilayo, sidaana lagu heshiiyey, oo kulanka baarlamaanka laguhakiyey, balse markii kulankii lahakiyey, ayuu ugabaxay ballantii Madaxweynaha,  illeen markii horaba in kulankaa uu kabadbaado ayaa hadafku ahaa’e. Qoraal uu Jawaari kubeeninayo in uu iscasilayo ayuuna degdeg usoosaaay. Madaxweeynuhu wuxuu qaatay go’aan siyaasad ahaan is haligid ah (Suicidal decision), waxaana go’aanka wada eebsankara saaxiibkii RW Kheeyre, kadibna isaga Madaxweeynaha ah. Maadaama kulankii halista ahaa uu Jawaari kaarto khayaano iyo qob-moos uga badbaadayna, wuxuu fursada uu hadda heysto galinayaa, siduu dhaqaale iyo ballanqaadyo Xildhibaanada ugu kala furfuri lahaa, isagoo kaashanaya saaxiibadiis CCC Sharmaarke, CC Shakuur, Fiqi, Mahad-Salaad, Odawadaa iyo inta kalee xildhibaannada Damjadiid. Waxaase dhanka kale iyagana hadda iyo koow haabhaabanaya gudoomiye kuxigeenka 1-aad: Muudeey, RW Kheeyre iyo Xildhibaanadii taageersanaa, oo fursadi ugu jirto in eey kulan qabanqaabiyaan inta aan xildhibaannadii taageersanaa lakala furfurin. Markastuu waqtigii laqaban lahaa kulanka siidheeraadana, waxeey fursad weyn utahay Jawaari iyo kooxdiisa.

Gudoomiye Jawaarise wuxuu MD Farmaajo udhigay, duruus lama illaawaan ah. Khayaanadan mid la mid ah, hore ayuu Shariif Xasan ulasoo dheelay, xilligii xulista xubnaha baarlamaanka.

Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor). Maamule-Kuxigeenkii hore ee Kulliyada Maamulka Iyo Dhaqaalaha, isla Kulliyadaana Macallin/Bare ka ahaa. Al-Madinah International University

abdulkadirphd@hotmail.com. Minnesota-USA.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid