Xildhibaano sheegay inay adag tahay in Jawaari uu kusii nagaado kursiga baarlamaanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ka socda kulamo iska soo horjeeda oo u dhexeeya Xildhibaanada Mooshinka kawada Guddoomiye Jawaari iyo kuwa kasoo horjeeda Mooshinka.

Kulamada oo u muuqda kuwo sii xoogeysanaaya ayaa waxaa leysku weedarsanayaa khaladaadka ka dhex jira baarlamaanka, Hanaanka uu Dastuurka u maamulo Jawaari iyo sameynta isbedel dhanka baarlamaanka ah.

Xildhibaanada Mooshinka kawada Jawaari ayaa siyaabo kala duwan u sheegaya inaanu weli hakan Mooshinka, balse la doonaayo in leyskala gudbo xiisada ka dhex aloosan Guddoonka iyo Xildhibaanada.

Xildhibaanada Mooshinka kawada Jawaari ayaa tilmaamay in Mooshinkaasi la dhameystiri doono iyadoo la maraayo waddo sharci ah, si aanu u dhicin khilaaf danbe.

Xildhibaan Dalxa oo kamid ah Xildhibaanada hogaamineysa kulamada ayaa sheegay inay adagtahay in Kursiga uu kusii raago Guddoomiye Jawaari.

Dalxa waxa uu yiri ‘’Baarlamaanka waxa uu u baahan yahay isbedel, waxaa naga go’an in Jawaari laga laalo Kursiga si aanu u helno Guddoomiye maskax furan oo Hoggaaminkara baarlamaanka’’

Sidoo kale, Garabka kasoo horjeeda Mooshinka ee shirarka ku qabanaaya magaalada Muqdisho, ayaa dhaliilo ka muujinaaya hanaanka la doonaayo in lagu xaliyo Khilaafka.

Xildhibaanada Jawaari waxa ay weli ku goodinayaan inay fashilin doonaan Mooshinka, hase ahaatee waxa ay muujinayaan kalsooni daro ay ka qabaan dhabaha loo maraayo xalka.

Si kastaba ha ahaatee, eedeymaha ay hawada isku marinayaan labada garab ayaa kusoo beegmaaya kadib markii Xildhibaanada Mooshinka wada ay sheegen in Mooshinka la gudbin doono maalinta Arbacada ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com