Jawaari oo kaarto cajiib badan isticmaalay si loo baajiyo kulankii Baarlamaanka iyo waanwaantii oo fashilmatay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa isticmaalay kaarto cajiib badan kadib markii 193 Xildhibaan ay  saxiixeen kalsooni kala noqoshadiisa.

Guddoomiye Jawaari oo saqdii dhexe habeenkii Sabtida ka war helay inuu kaliya heysto 30 Xildhibaan ayaa sameeyey kaarto lala yaabay.

Jawaari ayaa la hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuuna u sheegay inuu muran la’aan xilka wareejin doono isla markaasna uu is casili doono, wuxuuna codsaday in la hakiyo Kulankii Sabtida ee Xildhibaanada.

Madaxweynaha ayaa ka aqbalay arrintaas, waxaana bilaabatay waawaan uu Madaxweynaha ka dhex sameenayey Guddoomiye Jawaari iyo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Guddoomiye Jawaari ayaa markii la hakiyey kulankii Baarlamaanka kadib lasoo baxay waji cusub, wuxuuna si cad u sheegay inuusan is casili doonin.

Jawaari ayaa hadda wado olole xooggaan oo uu ku doonayo inuu ku kala furfuro Xildhibaanada ku kacsan, sidoo kale waxaa buburtay waanwaantii laga dhex waday.

Garabka Jawaari kasoo horjeedo ayaa mar kale dib u bilaabi doono qaban qaabada Kulankii Baarlamaanka si codka kasloonida loogu qaado Guddoomiye Jawaari.

193 Xildhibaan ayaa saxiixay cod kaa qaadis qoraal ah, waxaana si weyn loo diyaariyey kulankii Baarlamaanka Sabtida iyadoo qorshaha uu ahaa in meesha laga saaro Jawaari maadaama ay Xildhibaano ka badan intoo loo baahdaan ay saxiixeen qoraalkii kalsoonida loogala noqonayey Guddoomiye Baarlamaanka.

Xaaladda ayaa hadda u muuqato inay kusoo laabaneyso sidii hore, waxaana la filayaa inuu go’aan kasoo baxo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Muudey isagoo mar kale ku dhawaaqi doono waqtiga uu dhici doono Kulanka Baarlamaanka.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waa idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com