Askarta wadamada shisheeye ay tabaraan oo cadaystay dilka shacabka reer Muqdisho iyo mid ka mid ah oo la qabtay.

Muqdisho-(Caasimadda Online)-Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa ay tababartay Dowladda Imaaraadka Carabta kana mid ah Ciidamada Dowladda ayaa Maanta qof Shacab ah waxa uu ku dilay qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha ee Magalada Muqdisho.

Dilka ayaa yimid kadib markii mid ka mid ah Gawaarida Bii’elka ee loo yaqaano Homeyda uu istaagay Xarun Ciidamadu ku leeyihiin  Kuliyadii hore ee Jaale Siyaad,isla markaana uu Askari rasaaseyay taas oo keentay in mid ka mid ah Shacabkii Gaariga saarnaa ay haleesho halkaasna uu ku geeriyoodo.

Askariga dilka geystay ayaa isku dayay in uu baxsado laakiin Ciidamada Xooga ayaa gacanta ku dhigay Askarigii waxaana hadda ay ku sugan yihiin Askarigii dilka geystay iyo meydka qofkii Shacbka ahaa Xarunta dambi baarista ee CID-da.

Dilalka ay geysanayaan Ciidamada ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa joogto kanoqdat gudaha magaaladda Muqdisho .

Saraakiisha Ciidamada amaanka ayaan wali ka hadlin dhacdadaan, iyadoona maalmahaan dambe uu soo badanayay dhibaatooyinka ay geysanayaan Ciidamada ka tirsan Dowlada Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com