Xil-gudasho la’aanta Xildhibaannada kasoo jeedo Gobolka Bokool ee ku matala Dowladda Dhexe

By Saalax Saciid Sabriye

Tiro xildhibaano ah oo ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya ayaa lagu eedeynayaa  dhibatada ka taagan 10kii sanno ee lasoo dhaafay Gobolka Bokool ee Soomaaliya.

Gobolka Bokool waxa u ka mid yahay Gobollada uu ka arrimiyo Maamulka Koonfur Galbed ee Soomaaliya, waana Gobolka ugu liita Gobolada ay dagto Soomaliya dhan waliba ee nolasha. Haddii ay ahaan laheyd Waxbarshada,  Ganacsiga iyo Hormarrada kale.

Taasna waxaa sabab u ah masuuliyiinta kaso jeedo Gobolka Bokool oo aan qaarkood waligod booqan xaaladda ay ku nool yihiin reer Bakool.

Waa xaaladdii ugu xumeyd abid oo ay soo maraan taariikhda inta la xasuusto, maxaa yeelay Bakool waxa ka jirto nolol adag, waxaana xiran dhammaan waddo waliba oo gasha Gobolka  Bakool.

Mana jirto isku socod dhanka dhulka ah, kaliya waxaa u faran dhanka hawada oo ay  ku adag tahay in dadka qaar ay isticmaalan. Taasi waxa usii dheer colaado ragaadiyey  gobolka wuxuuna isku badalay  mid Nabadda ka caagan. waxa uuna noqday furimo dagaal.

Eedda ugu badan waxaa leh Xildhibaannada ka gaabiyey shaqadii loo igmaday  waxaana si gaar ah farta loogu fiiqi karaa:

  1. Aadan Maxamad Nuur Aadan Madoobe
  2. Sareedo Maxamad Cabadalla
  3. Senator Xuseen Shiikh Maxamad Haruun
  4. Imaan C/llaahi Cali
  5. Maxamuud Maxamad Boonoow

Xildhibaannadaan kor ku xusan ayaa u dhaartay  inay dadkooda  wax u qaban doonaan balse taas ma dhicin oo waxa ay ka raacdeen danahooda  u gaarka ah. runtii waa ayaan-darro in xildhibaanno tiraas leh ay hilmaamaan dadkii ay ku matalayeen Golaha Shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya.

Waxa kale oo jiro in mid ka mid ah Golaha Wasiirdda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, laguna magacaabo  C/laahi Black oo aan marnaba isku dayin inuu wax u qabto dadkiisa ku dhibateysan Gobalka Bakool, shacabkaasoo maalinkasta  u dhimanaya abaaraha ka jira Gobalka.

BAAQ

Waxaan ku baaqi lahaa in masuuliyiinta ay quseyso sheekadaani ay wax u qabtaan dadkooda ku dhiban Bakool.

Waxaa kale oo muhiim ah in Xafiis laga furo xarunta Gobolka ee Xudur, maadaama ay taasi keeni karto in dhammaan hayadaha samafalku ay gobolka yimaadaan dadkana wax u qabtaan.

Qormadii: Aadan Zeytuuni