Akhriso: Muuse Biixi oo wareegto ku magacaabay 24 xil oo cusub xili ay jiraan culeysyo Siyaasadeed

Hargeysa (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi ayaa magacaabay 24 mas’uul oo qeyb ka noqon doonta maamulka cusub ee Somaliland.

Xilalka uu magacaabay Hoggaamiye Biixi ayaa isugu jira Agaasimayaal, Safiiro iyo Gudoomiyayaal Gobol, waxaana ku jira wajiyo ku cusub Siyaasada maamulka.

Hoggaamiye Muuse Biixi, ayaa horay u sameeyay xil ka qaadis iyo magacaabis dhowr ah, waxaana xusid mudan in maamulka Biixi ay ku jiraan dhalinyaro ku cusub Siyaasada.