Xog: Maxaa kala soctaa qaabka la doonaayo in lagu xaliyo Buuqa ka dhashay Mooshinka Jawaari (Akhriso 4 qodob)

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa soo baxaaya warar kala duwan oo ku aadan hanaanka la doonaayo in lagu xaliyo Mooshinka baarlamaanka Somalia ka yaala Guddoomiye Jawaari.

Wararku waxa ay sheegayaan in Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Xildhibaanada kasoo horjeeda ay ku qanacsan yihiin in Mooshinka codka loo qaado iyadoo aanu jirin is qabqabsi iyo Khilaaf muuqda.

Guddoomiye Jawaari ayaa la xaqiijiyay in Madaxweynaha dalka uu ka dalbaday in Mooshinka lagu dhaqan galiyo sifo sharci ah oo aanu ku jirin mugdi iyo is qabqabsi dhanka labada garab.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in shaqsi ahaantiisa uusan kasoo horjeedin codeynta, balse uu aad u diidan yahay in codka la qaado iyadoo aan lagu qanacsaneen qaabka loo qaadayo Codka.

Xildhibaano uu ku kalsoon yahay ayuu sheegay inay garab u yihiin isla markaana uu xiligaan u diyaarsan yahay codeyn  aan laheyn faragalin, waxa uuna sidoo kale cadeeyay inuu diyaar u yahay haddii uu jiro dadaal lagu xalinaayo Khilaafka.

Shuruudaha uu la imaaday Jawaari ayaa waxaa kamid ahaa:

1-In marka hore ciidamada cusub laga wareejiyo Xarunta baarlamaanka.

2-In meesha laga saaro cajuubka Xildhibaanada.

3-In Xildhibaanada labada garab lasiiyo wakhti ku filan oo ay kusoo dhameystiran karaan codadkooda.

4-In haddii leysku raaco codeyn ay goobjoog ka noqdaan xubnaha saaxiibada caalamka ka jooga Somalia, si codeynta ay u noqoto mid xalaal ah.

Guddoomiye Jawaari ayaa Madaxweynaha u cadeeyay inaanu dhankiisa farqi u dhexeyn Codeyn iyo Codeyn la’aan, balse uu doonaayo keliya in la maro waddo xalaal ah, oo raali galineysa dhammaan Xildhibaanada.

Sidoo kale, Xildhibaanada Mooshinka wada ayaa dhankooda ka dalbanaaya in marka hore la xaliyo Buuqa ka dhashay Mooshinka, kadibna sifo sharci ah lagu qabto Codeynta Mooshinka.

Ma cadda sida uu noqon doono xaalka waxaana weli socda wadahadal la doonaayo in lagu xaliyo buuqa iyo is fahan’waaga ka dhashay Mooshinka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com