Ciidamadii dhawaan la wareegay Xarunta Barlamaanka oo dib looga saaray (Tirada ciidamada la geeyay)

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in dhismaha Xarunta Golaha Shacabka laga saaray ciidamadii faraha badnaa ee dhawaan la geeyay.

Ciidamadan oo kor u dhaafayey Boqol ayaa la sheegay in markii hore lagu geeyay amarka kasoo baxay Ra’isul wasaare Kheyre.

Ciidamadan ayaa halkaa looga daadgureeyay gaadiidka nooca dagaalka ah, waxaana lagu wareejiyay ciidamo kale, kadib markii amarka dulqaadista la sheegay inuu bixiyay Madaxweyne Farmaajo.

Ciidanka lagu wareejiyay xarunta baarlamaanka ayaa la sheegay in tirro ahaan ay gaarayaan 114 askari oo boolis ah, waxaana ka dhex muuqday qaar ka tirsan ciidamadii horay u ilaalin jiray Xarunta.

Mas’uuliyiin ka tirsan baarlamaanka, gaar ahaan garabka Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in cidankaasi shalay ilaa Saaka laga daadgureynaayay Xarunta, halka ciidanka kalane lagu soo daadgureynaayay.

Talaabadan ayaa kusoo aadeysa xili Madaxweyne Farmaajo uu ku baxay xiisada Siyaasadeed ee kadhex aloosan Guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaanada Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com