Sawirro: Kheyre oo kormeer ku maray Isgoosyada magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumad Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa habbeenimadii xalay Kormeer ku maray qaar kamid ah Isgoosyada Gobolka Banaadir.

Kheyre ayaa inta uu kormeerka ku jiray halkaa kula kulmay qaar kamid ah ciidamadii ku qornaa xaqiijinta amniga, waxa uuna ka dhageystay warbixino kooban oo dhanka howshooda ah.

Kormeerka Ra’isul wasaaraha ayaa waxaa ku wehlinaayay Taliyaha Booliska, Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir iyo Xubno ka tirsan Villa Somalia.

Kheyre ayaa yiri ‘’waa inaan ka dhabeynaa la socodka mas’uuliyada naga saran amniga magaalada, waxaanu gudan doonaa waajibkeena si aanu u nabadeeno dalka’’

Waxa uu intaa raaciyay “Kormeer aan kusoo maray qaar kamid ah isgoosyada degmooyinka Muqdisho, waxaan kusoo arkay shacab jecel dawladdooda, waxaan u sheegay inay la shaqeeyaan ciidamada amniga ee wakhtiga badan ku bixinaya sugidda amniga’’

Kheyre waxa uu sheegay inay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo amniga dalka, waxa uuna shacabka ku booriyay inay qaatan kaalintooda.