Soomaali iska diiday 3 million euro oo magdhow loo siiyey

Xaashi Cumar Xasan oo ah Soomaali Sanado badan danbi la’aan ugu xirnaa xabsi ku yaalo dalka Talyaaniga ayaa iska diiday Lacago magdhaw ahaan ay usiisay Dowladda Talyaaniga, Maadaama eedihii loo heystay ay waxba kama jiraan noqdeen.

Dowladda Talyaaniga ayaa u xukuntay magdhaw dhan 3 Milyan oo Euro, Ninka lagu magacaabo Xaashi Cumar Xasan oo ah Soomaali 17 sano ku xirnaa dalka Talyaaniga.

Xaashi oo haatan ku sugan Dalka Holand ayaa sheegay inuu dib ugu laabanayo Wadanka Talyaaniga si uu Xaqiisa usoo dhacsado, Waxa uu sheegay inuu horay ukexeysanayo Geelle oo uu ku sheegay inuu ahaa Qareenkiisa intii ay socota Dacwada isaga ka dhanka eheyd.

Xaashi ayaa Rome loogu xiray in uu Muqdisho ku dilay Gabar Wariye ah iyo Kaamiriiste u dhashay dalka Talyaaniga sanadkii 1994-tii.

Ilaria Alpi iyo Kaamiriiste Milan Hrovatin,ayaa u shaqeynaayay Warbaahinta RAI ee Italy waxaana 1994-tii lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Waxa uu Warbaahinta Goordhow usheegay iney aad uga yartahay Lacagaha la siiyay ee 3 Milyan oo Euro maadaama buu yiri, Mudo ku dhow 20 Sano uu danbi la’aan ku xirnaa xabsiyo loogu talagalay Dadka Maafiyada ah.

Maxkamadda Magaalada Rome ayaa dambi ku waysay Xaashi Cumar Xasan waxaana ay u xukuntay 3.181 Milyan oo lacagta Europe ah, October 2016-kii ayaa Xaashi laga sii daayay Italy kaddib markii Qareennadii u doodayay ay ku guuleysteen in dambi lagu waayo.

Alpi, oo 32 jir ahayd iyo Hrovatin, oo 45 jir ahaa ayaa Gaari ay wateen waxaa weerar ku qaaday Malleeshiyo hubeysan March 20, 1994,bartamaha Magaalada Muqdisho.

Markii hore waxaa loo maleynaayay in Gabadha Wariyaha ah loo dilay aargoosi kaddib markii ay Muqdisho ku dagaallameen Ciidamadii Nabad Illaalinta Talyaaniga iyo mid ka mid ah Malleeshiyada hoggaamiye kooxeed ka mid ahaa kuwii ka talin jiray Muqdisho.

Si Kastaba Muwaadinka Somaliyed ayaa ku doodaya in haatan loo xisaabiyay oo kaliya Maalmihii uu xirnaa balse ay ka maqanyihiin Xuquuqaad kale oo uu ku leeyahay Dowladda Talyaaniga.