Xildhibaanada Jawaari oo ku ururay 3 hoteel iyo olole socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ka socda ololo lagu doonaayo in lagu qaboojiyo khilaaf Siyaasadeedka ka dhex aloosan Guddoonka baarlamaanka iyo Xildhibaanada.

Ololaha lagu qaboojinaayo Khilaafka ayaa waxaa kaalin weyn ka qaadanaaya Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Xildhibaano la sheegay inay banaan jog ka yihiin khilaafka taagan.

Ololaha lagu qaboojinaayo khilaafka ayaa waxaa la sheegay inuu ka socdo Seddex Hoteel oo magalaada Muqdisho ay ka degan yihiin Xildhibaanada garabka u ah Guddoomiye Jawaari kuwaa oo lagu sii diyaariyay Hoteelada ku dhow dhow Villa Somalia iyo Xarunta baarlamaanka.

Hoteelada ay kusoo uruureen garabka Jawaari ayaa waxaa kamid ah Hoteel S.Y.L, Sayidka iyo Dayax oo dhammaantooda ku dhow Madaxtooyada iyo Xarunta baarlamaanka.

Qorshaha laga leeyahay ololaha xalinta Khilaafka ayaa la sheegay inuu yahay in labada garab ee baarlamaanka la kala dhex dhigo Heshiis si loo helo wakhti leysku waafaqo in la qabankaro codeynta Mooshinka.

Xildhibaanada Mooshinka wada ayaa la xaqiijiyay inay aqbaleen in Mooshinka loo sameeyo wakhti ay raali ka yihiin garabka taabacsan Jawaari si loo helo jawi loogu codeynkaro Jawaari.

Si kastaba ha ahaatee, mas’uuliyiinta ku guda jirta qaboojinta Khilaafka ayaa rajo ka muujinaaya in xal laga gaaro wakhtiga muranka dhaliyay ee qaadista codka Mooshinka, waxaana la filayaa in la sameeyo wakhti kale oo lagu mideysan yahay in dhinac loo tuuro Mooshinka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com