Farmaajo oo weli ku howlan xalinta Khilaaf siyaasadeedka guddoonka BF iyo xildhibaanada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/laahi (Farmaajo), ayaa sheegay in kaalin weyn uu ka qaadan doono xal u helida Khilaaf Siyaasadeedka ka dhex aloosan baarlamaanka Somalia.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in dowladiisa ay u taagan tahay keliya inay xal ku dhameyso wixii Isfahan ah, waxa uuna ballanqaaday inuu qaadan doono kaalintiisa.

Waxa uu Farmaajo tilmaamay inuu garwaaqsan yahay inay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo xasiloonida dalka, balse ay sidoo kale muhiim tahay in laga fogaado wax waliba oo dhib ku ah sharciga dalka.

Guddoonka baarlamaanka iyo Xildhibaanada ayuu sheegay inuu kala shaqeyn doono sida ay isaga soo dhawaan lahaayen halka ay iminka kala taagan yihiin.

Waxa uu intaa raaciyay inuu soo dhaweyn doono isbedelka ku imaankara Xildhibaanada ku kala aragtida duwan mooshinka, waxa uuna carab dhabay in wakhti badan uu siin doono xalinta Khilaafka.

Talaabadan ayaa imaaneysa xili qeyla dhaan laga muujiyay khilaafka Guddoonka baarlamaanka iyo Xildhibaanada oo gaaray heer digniino laga muujiyay gacan ka hadal ka dhasha khilaafka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com