Kaaliyaheyga Berbera – Taxanaha 89 – 90 – Qaybta Kow iyo Tobnaad

Xafiiska Berbera waxaan uga baahday qof ila shaqeeya. Shuruudaha kaalinta shaqo ma badnayn. Waxay ahaayeen in uu qofku haysto ugu yaraan shahaaddo Dugsi Sare, ku hadlo qori karana Soomaali iyo Ingiriis, isla markaasna uu adeegsan yaqaan Computer.

Haddii aanuu aqoon adeegsiga computer-ka waa in uu yaqaan sida teeb wax loogu qoro, dhakhsana u baran karo computer. Waxaa kale oo looga baahnaa in uu dadweyne isu soo baxay la hadli karo, isla markaasna farsamada ku wanaagsan yahay oo mishiinka filimka daara sahal lagu bari karo. Hadduu gaari wadi yaqaan ruqsadna u haysto ka sii wanaagsan.

Waxaan filayay wiil ama gabar dhallinyaro ah oo reer Berbera ah in uu fursaddaa ka faa’iideysan doono.

Dad dhowr ah markii aan weydiiyay qof shuruudahaas ka bixi kara oo Berbera jooga waxaa la ii sheegay nin Jaamici ah oo howshan gudan kara.

Waa nin ka soo baxay Kulliyadda Macallimiinta Lafoole. Dagaalka ka hor wuxuu ahaa Macallin Dugsi Sare. Af Ingiriiskiisu aad buu u wanaagsan yahay. Waa nin mas’uul ah oo wax kala garanaya.

Hargeysa markii laga qaxay ma hubo in uu ku go’doomay iyo in uu isagu doorbiday in uu joogo.  Waxaase la ii sheegay in Sarkaal uu xiriir kala dhaxeeyay uu magangeliyay oo uu gurigiisa ku hayay.  Sababta uu hadda Berbera ugu sugan yahay waxaa la ii sheegay in ay tahay in uu sarkaalkii halkan keenay si uu u socdo, hawa u qaato oo uu uga raysto guriga uu dhex fadhiyay muddo sannad ka badan.

Xafiiska ayaan ugu yeeray.  Waa nin la ayni ah Macallimiinteydii Dugsiga Sare. Markiiba shaki igama gelin in aan shaqaaleyno.  Tijaabo kooban ka dib Xafiiska ayuu ku soo biiray.

Aqoontiisa ka sokow, macallinkani waa nin sannad ka badan ku jiray magangelin u dhiganta nooc xabsi guri oo kale ah.

Neecaw wanaagsan, qorrax, socod iyo xorriyad midna ma haysan. Arrintaasi waxay u saameysay jir ahaan iyo sidaan is iri maskax ahaanba siiba xagga kalsoonida.

Taasi waxay ra’yi iga siisay sida ay u nool yihiin Ragga tirada yar ee aan ka qaxin Hargeysa.

Ruqsad

Waxaan goostay in aan Muqdisho u geeyo tababbar shaqada uu qaban doono, barashada Madaxda hey’adda iyo weliba bal in uu ku soo yara nasto oo jawigan colaadda iyo cabsida ah uu ayaan ka soo nasto.

Markaan goostay in aan ku dhaqaaqo tallaabadan ayaan ka warhelay in aanan oggolaasho la’aanteed aanan Muqdisho geyn karin muwaaddinkan Soomaaliyeed.

Waxaa la ii sheegay in loo baahan yahay oggolaashaha Taliyaha Militeriga.

Ma jirin amar qoraal ah ama sharci sidaa dalbaya. Haddii aan Taliyuhu idinka warqabin waxaa dhici karta, ayaa la igu yiri, in ciidanka Airporka joogaa uu Macallinka u diido in uu safro.  Waa marka ay ugu yar tahay. Haddii kale waxaaba dhici karta in ciidanku kaxeysto.

Macallinka aan shaqaaleysiiyay waxaan weydiiyay in uu wax ka qabo in aan magaciisa hor dhigo Taliyaha militeriga oo aan u sheego in uu Muqdisho u tegayo tababbar.

Wuxuu ii sheegay in isaga iyo Taliyaha militerigu ay is yaqaannaan. Carruurtiisa ayaan Macallin u ahaan jiray inta aan dagaalku qarxin 1988, ayuu yiri.

Si aan ugu tegi karo ayaan jirin, laakiin haddii aad adigu i hor geyn karto, waan hubaa in aanuu maya i odhan doonin, ayuu raaciyay.

Ma xusuusto labada midda aan yeelnay laakiin Taliyaha waan ka soo helnay oggolaashaha in Macallinka aan isu raacno Muqdisho.

Tababbarkii wuu qaatay. Madaxda iyo shaqaalaha hey’addaba waa ay is barteen.  Qaraabo badan ayuu la kulmay. Saaxiibbo ayuu la caweeyay.

Walaalkii ayaa ahaa Madaxa ama ka mid ah Madaxda ugu sarreysa Wakaaladda Batroolka, fadhigiisuna wuxuu ahaa Muqdisho.

Markii uu Muqdisho ayaan joogay, Macallinkii wuu is beddelay muuqaal ahaan iyo niyad ahaanba.

Baqdin waxaan ka qabay in uu diido in uu ku laabto Berbera.  Taas oo aniga ii abuuri lahayd dhib in aan ku laabto Berbera.

Nasiib wanaag diyaar ayuu u ahaa in uu shaqadiisa billaabo. Berbera ayaan ku soo wada laabannay halkaas oo aan wadajir uga howlgalnay.

Macallinkaas ila shaqeeyay magaciisu waa Farxaan Mooge.

W/Q Yuusuf Garaad