Waddani oo war cusub ka soo saaray qabsoomida doorashooyinka Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa war kasoo saaray qabsoomida doorashooyinka Somaliland, isla markaana cadeeyay mowqifkooda ku aadan guddida Komishanka ee shaaciyay inay bilaaben howlihii doorashada.

Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid oo ka mid ah hogaanka sarre ee Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, ayaa sheegay inaysan Komishanka wax wada shaqeyn ah xisbiga kala dhaxeyn.

Xildhibaan Xuseen ayaa waxa kale uu ka dhawaajiyey cida qaadeysa dhaliisha dib u dhaca doorashooyinka Somaliland, isagoona rajo xumo ka muujiyey inay waqtigoogu ku qabsooman doorashooyinkaasi.

Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid oo warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu yiri “Komishankan waakii xisbiga Waddani hore go’aanka uga soo saaray ee kalsoonidii kala noqday mudo sanad iyo dheeraad ka hor ah, Waddanina wada shaqayn lama laha komishankan hada jooga inta uu joogana wada shaqayn la yeelan maayo oo inta go’aankiisii hore taagan yahay-ba halkaas ayuu ka joogaa”.

“Waxaanan u aragnaa shaqo khusaynaysa doorasho la gali doono xisbigaasina ka maqan yahay inaanay mid waxtaraysa ahayn, waxaana ii sii muuqata in sanadkaas iyo badhkaba la lahaa doorasho ayaa qabsoomaysa hore-na waxa uu wakhtigu uga dhacay iyada oo la leeyahay way qabsoomaysaa korodhsiimana waa la bixiyey, hadana ma muuqato in shantaas bilood ay doorasho ku qabsoomayso”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Eedeedana waxa iska leh cida qawaaniinta baal-martay ee gees martay sidii loo xalin lahaa carqaladdaha jira ee komishanku soo gudbiyey ee lixda ahaa kuwaas oo aan khusayn xisbiga Waddani balse badankooda xukuumada sugaysa, mana filayo in doorasho dhacayso”.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com