28.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Waddooyinka Muqdisho oo saaka u xiran hal arrin darteed

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saaka xiran wadooyinka Magaalada Muqdisho, iyadoo la soo dhigay ciidamo badan oo ka tirsan Dowladda Federalka Soomaaliya.

Ciidamada Dowladda ayaa gaadiidka u diidaya in ay Isticmaalaan Wadooyinka Magaalada Muqdisho kuwooda ugu muhiimsan.

Dhammaan Isgoysyada ugu muhiimsan Muqdisho ayaa Saaka xiran, waxaana dhooban Ciidamo iyo Gaadiidka dagaalka nooca loo yaqaan Cabdi-bilaha.

Isgooysyada xiran ayaa waxaa kamid ah Isgoysyadda Taleex, Soobe iyo Banaadir iyo sidoo kale Wadooyin kale oo Muhiim ah.

Ujeedada ka dambeysa in wadooyinka Magaalada Muqdisho ciidamada ammaanka ay xiraan ayaa waxaa ay tahay in maanta magaalada Muqdisho ay soo gaari doonaan Wafdi heer caalami ah.

Wafdiga kusoo fool leh magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku jiro Wasiiro reer galbeed ah, sida laga soo xigtay Saraakiisha Garoonka Aadan Cadde.

Wararka qaar ayaa sheegaya in waddooyinka muhiimka ah ay u xiran yihiin, imaansaha wafdi ka socda Midowga Afrika  oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah dadka reer Muqdisho oo aan horay u ogeyn xiritaanka Wadooyinka ayaa Saakay kusoo baraarugay Marka ay shaqooyinkooda usoo kaceen , waxaana ay maalayaan lugahooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News