Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saaka xiran wadooyinka Magaalada Muqdisho, iyadoo la soo dhigay ciidamo badan oo ka tirsan Dowladda Federalka Soomaaliya.
Ciidamada Dowladda ayaa gaadiidka u diidaya in ay Isticmaalaan Wadooyinka Magaalada Muqdisho kuwooda ugu muhiimsan.
Dhammaan Isgoysyada ugu muhiimsan Muqdisho ayaa Saaka xiran, waxaana lagu arkayaa Gaadiid dagaal iyo Ciidamo aad u farabadan.
Dhinaca kale, Ujeedada ka dambeysa in wadooyinka Magaalada Muqdisho ciidamada ammaanka ay xiraan ayaa waxaa ay tahay in maanta Madaxweynaha JFS uu furi doono kalfadhiga kuwaad ee BFS, iyadoo Ra’isul wasaaraha cusubna uu hortagi doono Baarlamaanka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

