Wafdi ka socda DF oo tegay Puntland kadib dhacdadii magaalada BOOSAASO

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi ballaaran oo uu horkacayo Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa maanta gaaray Puntland, isaga oo qiimeyn ku sameyn doono xaaladaha dadka ay saameeyeen abaaraha.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa waxaa garoonka magaalada Garoowe kusoo dhaweeyey madax ka tirsan Puntland, sida wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamulkaasi.

Ku-simaha madaxweynaha Puntland ahna madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo xubnihii la socday, balse faah-faahin lagama bixin kulanka.

Wararka ayaa sheegaya in booqashada Ergeyga ay ku timid, kadib markii uu dalab usoo diray guddoonka baarlamaanka Puntland oo ka codsaday inuu kormeero deegaanada ay abaaraha ka jiraan, si loo qiimeeyo xaaladaha nololeed ee ka jira, loona gargaaro dadkaasi.

Booqashada Cabdiraxmaan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo haatan ay taagan tahay xiisad ka dhalatay socdaal ay Boosaaso ku tegtay Xidlhibaan Sacdiyo Yaasiin oo gargaar u waday Bari, waxaana dhacdadaasi ka dhashay iska hor imaad sababay dhimasho iyo dhaawac.

Dhanka kale ma cadda in Ergeyga uu Puntland kala hadli doono shaqaaqadii ka dhacday Boosaaso ee ka dhalatay gurmadkii ay sidday xildhibaan Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo dib loogu soo celiyey magaalada Muqdisho, waxaana arrintaas ka dhalatay xiisad xoogan.

Puntland ayaa ka mid ah meelaha ay sida daran u saameysay abaarta baahsan ee ka jirta qaybo badan oo ka mid ah dalka, waxaana socda gurmad loo fidinayo dadka tabaaleysan.

Si kastaba, Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo loo xil-saaray abaaraha iyo gurmadka socda ayaa horey u booqday deegaano ka tirsan maamullada Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo HirShabelle, isaga oo u kuur galayey xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira gobolladaasi.