Wafdi ka socda Kenya oo ka soo duulay Nairobi, kuna sii jeeda magaalada Kismaayo

Nairobi (Caasimada Online) – Wafdigan oo uu horkacayo hoggaamiyaha aqlabadiyada baarlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa goor dhow ka soo duulay garoonka Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi.

Wafdiga ka socda dowladda Kenya oo ku wajahan Kismaayo ayaa ka qeyb galaya munaasabadda caleema saarka, Axmed Madoobe.

Lama oga in ay soo mari doonaan Muqdisho iyo in kale, maadaama xalay dowladda Soomaaliya ay mamuucday duulimaadyada tooska ah ee Kenya iyo Jubbaland.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horay ugu dacweysay Kenya hay’adda maamulka hawada Qaramada Midoobey ee ICAO, kadib markii diyaarad siday Madaxweynayaashii hore ee Galmudug iyo K/Galbeed oo ka soo duushay Nairobi ay jabisay xayiraadii xukuumadda Muqdisho ay saartay garoonka magaalada Kismaayo.

Arrintaasi ayaa sare u qaaday xiisada labada dal, iyadoona dowladda Soomaaliya ay u yeertay safiirka xukuumadda Nairobi u jooga magaalada Muqdisho.

Xafladda Caleema saarka Axmed Madoobe oo taageerada ugu badan ka hela Kenya ayaa dhaceysa maanta, iyadoona qaban qaabadii ugu dambeysay ay ka socoto Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com