Wafdigii Midowga Yurub oo war-murtiyeed kasoo saaray socdaalkii Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wafdigii ka socday Midowga Yurub ee u badnaa Safiirrada ee Todobaadkii hore booqashada shaqo ku yimid magaalada Hargeysa, ayaa war-murtiyeed kasoo saaray socdaalkoodi.
War-murtiyeedkan ayaa baaqyo kala duwan loogu soo jeediyey madaxda dowladda iyo xisbiyadda Siyaasadda Somaliland.
War-murtiyeedka ay soo saareen wafdigii Safiirada ahaa oo turjuman ayaa u dhignaa sidan:
“Wafdi sare oo ka koobnaa Danjireyaasha iyo Wakiillada Dawladaha  Denmark, Finland, Norway,  Sweden, Switzerland, Ingiriiska iyo Midowga Yurub oo booqasho qaadatay laba maalmood ku tagay Somaliland waxay la kulmeen Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, Xisbiyada Siyaasadda, Baarlamaanka, Guddida Doorashooyinka iyo Wakiillo ka socday Ururrada Bulshada Rayidka ah.
Ujeeddada ugu weyn ee socdaalka danjireyaashu waxay aheyd xaqiijinta inaanu sii wadayno  taageerada aanu siino nidaamka dimuqraadiyadda Somaliland, isla markaana bayaamino sidii  doorashooyinka Baarlamaanka iyo Goleyaasha deegaannadu ku  qabsoomaan 12ka Bisha December 2019ka.”
“Wafdigu waxay tilmaameen walaaca ay ka qabaan inaan horumar laga sameynin u diyaar-garowgii  doorashooyinka iyo khilaafaadka u dhexeeya saddexda xisbi qaran ee ku wajahan sharciga doorashada Baarlamaanka.
Wafdiga beesha caalamku waxay tilmaameen inay ka xun yihiin haddii dib-u-dhac kale yimaado doorashooyinka oo ay sheegeen inay caqabad ku noqonayso sumcadii dimuqraadiyadda Somaliland iyo ka qaybgalkii beesha caalamka.
Saaxiibadda Somaliland waxay xisbiyada ku booriyeen inay xaqiijiyaan u heellanaantooda doorashooyinka isla markaana iftiimiyaan inay sameynayaan tanaasulaadka lagama maarmaanka ah.
Waxa kaloo ay wafdiga beesha caalamku u soo jeediyeen  Golaha Baarlaamaanka inay dhaqaajiyaan Xeerka Doorashooyinka. Waxa kaloo Wafdigu ku baaqeen in doorashooyinku ku qabsoomaan saaxad loo dhan yahay oo daahfuran iyo jawi nabdoon, waxaanay intaas ku dareen in  laga qaybgeliyo haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay.”
Sidoo kale waxa wafdiga danjireyaashu  sheegeen inay Somaliland kala shaqeynayaan  abaaraha ka jira dalka. Danjireyaasha caalamku waxay hoosta ka xariiqeen inay soo dhaweynayaan sida Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uga go’an tahay wada-hadallada ay la yeelanayaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.
Ugu dambayntiina, waxay wafdigu War-murtiyeedkooga ugu mahad-celiyeen madaxda Somaliland sidii diiraneyd ee ay ugu soo dhaweeyen caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa