Wafdigii Sacuudiga aaday oo su’aal yaab leh abuuray: Maxaa loogu diiday hal qof oo Hawiye ah?

Riyadh (Caasimada Online) – Wasiiradii ugu badnaa ee ka socda dowladda federaalka ayaa arbacadii u ambabaxay boqotooyada Sacuudi Carabiya si ay dowladda Sacuudiga ula saxiixdeen heshiisyo mashaariic kala duwan oo ku baxaaya afar milyan dollar.

Wasiiradaan ayaa waxaa safarkooda ku wehliyay la-taliyeyaal wasiiro laga reebay safarka, la-taliyaha maxweynaha iyo Taliye ku xigeenka hay’adda NISA, waxaana safarkaan laga reebay dhammaan wasiirada ku abtirsada beelaha Hawiye, waxaana wasiirada safarkaan u ambabaxay ay kasoo jeedaan beelaha Daarood iyo Dir.

Wasiiradan ayaa Sacuudiga u aaday mashruucyo waa weyn oo Soomaaliya laga fulinayo, kuwaasi oo ay lasoo saxiixan doonaan Sacuudiga.

Liiska Wafdiga u xilsaaran Mashaariicda Saudi Arabia ka fulineyso Soomaaliya:

  1. Wasiirka Iskaashiga Caalamiga: Jamaal Mohamed Hassan (Daarood)
  2. Wasiirka Maaliyada: Abdirahman Ducaale Beyle Bayle (Dir)
  3. Wasiirka Gaashaandhiga: Abdirashiid Mohamed Abdalluhi (Raxweyn)
  4. Wasiirka Duulista Hawada: Abdullahi Mohamed Salad (Daarood)
  5. Wasiirka Beeraha: Saciid Hussein Ciid (Beesha Shanaad)
  6. Wasiirka Gaadiidka iyo Dekadaha: Maryan Aweys Jamac (Jareer Weyne)
  7. Taliye Xigeenka NISA: Abdallah Abdallah Mohamed (Dir)
  8. Agaasime ku Xigeenka Xaafiiska Madaxweynaha: Abdirisaaq Ahmed Shiikh Mohamud (Shoole).
  9. Madaxa Xaafiiska Jaamacada Carabta ee Wasaarada Arimaha Dibada: Musdhafe Adan Dagaal (Dir)

Waxaan la yaabnay ma Golaha Wasiirada ayaa laga saaray Xubnihii Hawiye mise mashaariicda Dalka laga fulinayo ayaan deegaanadooda looga baahneyn!

Qaban qaabada shirka iyo isku dubaridka wasiirada ka ambabaxay shirka ayaa waxaa soo agaasimaha madaxtooyada Fahad Yaasin, waxaana la yaab ku noqotay shacabka Soomaaliyeed in wasiirka arrimaha dibada Yuusuf Garaad uusan qeyb ka aheyn wafdigaan, halkii la rabay inuu hoggaamiyo wafdiga, laakiin howshiisa noqotay isku xirka safarka iyo dowladda sacuudiga.

Sidoo kale, kale waxaa arinta farta ku godan ay tahay in wasiiro laga reebay safarka booskooda lagu badalay La taliyeyaal wasaaradood sida wasiirka xanaanada xoolaha Sheekh Nuur oo booskiisa la geliyay la-taliyaha wasaaradda C/raxmaan C/qaadir Sheekh Maxamed oo ay ilmo adeer dhow yihiin Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada C/risaaq Shoole, oo beesha Leelkase u dhashay.

Safarkaan ayaa laga yaabaa inuu xaalad kale abuuri doono, inkastoo aysan jirin weli heshiis rasmi ah oo dowladda Sacuudiga la saxiidaan, maadaama dhexda ugu soo dhaceen xaalada cakiran ee khilaafka dowladdaha Khaliijka oo Sacuudiga hoggaaminaayo.

Arrintaan ayaa la hadal hayaa inuu si ku talo-gal ah ugu lug lahaa Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Fahad Yaasiin, oo aan la ogeyn sababta ku kaliftay inuu ku dhaqaaqo. Waxaase la-yaab leh in ra’iisul wasaarihii dalka uu arrintaan waxba kasoo qaadin iyo dhibaatada ka dhalan karto iyo weliba wasiirka arrimaha dibadda oo howshiisa gabay, noqdayna mid shaqadiisa wasaarado kale maamulaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com