Wakiillada QM iyo Midowga YURUB oo fashiliyey qorshihii Puntland ee go’doominta GAL-MUDUG

Cadaado (Caasimada Online) – Wakiilada Beesha caalamka ayaa farriin kul ul u diray maamul goboleedka Puntland iyagoo si cad ugu baaqay in khilaafka kala dhaxeeya maamulka cusub ee Galmudug ay waanwaan kala yeelato maamulkasi, waxayna arrintan dhabar jab siyaasadeed kii ugu weynaa ku noqoneysaa maamulka Puntland oo olole u galay sidii loo go’doomi lahaa Galmudug.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay oo ka mid ahaa madaxdii ka qeyb gashay caleemo saarkii madaxweynaha Galmudug ee Cadaado ka dhacay ayaa dib u soo xusuusiyay madaxweynaha Puntland C/weli Gaas heshiis uu magaalada Garowe ku saxiixay xilligii uu ahaa Ra’iisal wasaaraha dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Mr. Kay waxaa khudbadii uu Cadaado ka jeediyay ka mid ahaa: “Waxaan aqoonsanahay oo ka markhaati ka ahayn heshiiskii Garowe ee dhex maray Ra’iisal wasaare Cabdiweli Gaas  iyo Puntland oo la xiriiray dhismaha maamulka Galmudug, kaas ayaan taageraynaa” ayuu yiri Nicholas Kay oo farriin siyaasadeed culus u diray madaxweynaha Puntland isagoo intaas ku daray in dadka labada maamul ee Galmudug iyo Puntland ay si nabad ah ku wada noolaayeen ilaa 1993, beesha caalamkuna dooneyso inay nabadaas sii socoto.

Dhinaca kale Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone d’Urso ayaa sidoo kale u sheegay C/weli Gaas inuu la fariisto oo heshiis la gaaro C/kariin Guuleed, isagoo dadkii xaflada caleemo saarka joogay soo xusuusiyay heshiiskii Gaalkacyo ay ka gaareen C/llaahi Yuusuf iyo Jen. Ceydiid.

Wakiilka Midowga Yurub wuxuu Puntland iyo Galmudug ugu baaqay inay dib u eegaan heshiiskii 1993, kaasoo uu sheegay in haddii lagu dhaqmo ay si fudud ku heshiin karaan labada maamul oo taladooda ay u taalo C/kariin Guuleed iyo C/weli Gaas.

Hadallada labadan mas’uul oo ah kuwa ugu tunka weyn xubnaha beesha caalamka ee arrinta Soomaaliya gacanta kula jira ayaa nabar weyn ku noqonaya maamulka Puntland, waxaana Puntland u muuqataa mid gebi ahaan ku fashilantay ololihii ay ugu jirtay inay ciriiri geliso maamulka deriskeeda ah ee Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com