Xog: Socdaalka Obama ee Nairobi iyo arirn yaab leh oo jimcihii lagu sameeyey muslimiinta Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Dadka Kenyan-ka ah aad bey u faraxsanaayeen, oo wey isku hambalyeynayeen sida maalin ciidaad oo kale, laakiin ciid ma u aheyne waa u yimid wiilkoodii American-ka noqday isagoo Madaxweyne ah.

20 sano ka hor Obama waxaa lagu xasuustaa in laga qaaday sawiro uu kamid yahay isaga oo la taagan ayeydii, wuxuu watay shaati gaduud ah iyo surwaal cadaan ah duudkana waxaa u saarnaa jawaan waxa ku jira ani ahaan aan ku qiyaasay ugu yaraan Cows, laakiin ma hubo.

Aad ayuu u faraxsanaa marka sawirkaa laga qaga qaadayay sababtoo ah ayeeyadii ayaa iyadana dhoola cadeyneysay, isma uu laheyn waxaad noqon doontaa madaxweyne American ah, sidey aniga ila tahay marka sawirka laga qaadayay.

Sawirkaasi iyo kuwo kale oo laga qaaday wuxuu jir ahaan ahaa caato aan badneyn wuuna ka cadaan badnaa sida uu hadda yahay, laakiin hadda wuxuu wataa Suut iyo dharkale uu qurux badan oo uu xiligaasi xiran Karin.

Mar walbaa Obama waxaa uu dhihi jiray isbedelka aan dooneyno inaan sameyno gacmaheyna ayuu ku jiraa, waana midda uu isaga haatan gaaray.

Dhacdooyinka lagu xasuusto safarka Obama ee Kenya waxaa kamid ah in bilo ka hor la keenay Nairobi ciidamo American ah oo amaanka sugayay, ayna la socdeen eeyo si gaar ah loo tababaray kana mid ah kuwa ugu qatarsan ee Mareykanka ka howlgalayay.

Waxaa shalay oo dhan xirnaa garoonka diyaaradaha ee Kenya oo diyaarad kale kama aysan dagi Karin, isaga maqribnimadii xalay ayuu ka dagan magaalada Nairobi.

Sida aan warbixino ku heleyno waxaa soo dhaweynta Obama loo diiday madaxweyne ku xigeenka Kenya William Rutto, sabab la xiriirta kiisaska ka yaala maxkamada dambiyada dagaalka ee ICC.

Sidoo kale waxa lagu xasuustaa in xoghayaha gaar ah ee madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta Jomo Gecaga loo diiday inuu gacantiisa ku taabto gaariga uu garoonka diyaaradaha ka galbin lahaa madaxweyne Obama

Waxaa kale oo dhacdooyink Safarka Obama ku xasuusan doonaan Kenya kamid ah in madaxii gaarka ee amaanka garoonka diyaaradaha Kenya lagu dhex baaray garoonka, waxaana baarayay saraakiil ka tirsan FBI-da Mareykanka kuwaasi oo amaanka guud ahaan Nairobi la wareegay.

Sidoo kale dadka Muslimiinta waxay safarka Obama ku xasuusan doonaan in shalay loosoo hormariyay dukashada salaada Jimcada oo ay dukadeen 1:30, laakiin waxaa la dukaday 01:00.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com