Maxaa ka jira in madaxweyne Xassan Sheekh loo diiday ka qeyb-galka shirka ka furmaya Nairobi?

Nairobi (Caasimada Online ) – Wararka laga helaayo Villa Somalia ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh aan lagu casuumin ka qeybgalka Shirweynaha 6-aad ee Ganacsiga xorta ee Caalamka oo la filaayo in Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ka furo Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya.

Wararku waxa ay sheegayaan in shirkaasi lagu marti galiyay 60 dal oo ay kala matali doonaan Madaxweynayaal, Ra’isul wasaarayaal iyo Wasiirada arrimaha dibadda.

Shirka ayaa waxaa maalinta sabtida ah si wada jir u wada furi doona Madaxweyne Brack Obama iyo Uhururo Kenyatta, waxa uuna qorshuhu yahay in shirkaasi uu socon doono hal maalin oo qura.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaan kamid noqon Madaxweynayaasha lagu marti galiyay shirka sababo la xiriira muranka kala dhaxeeya dowladda Kenya, waxa ayna xogtu intaa kusii dareysaa in Uhurro Kenyatta uu diiday inuu casuumo Xasan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com