XOG: Muungaab iyo Xasan Sheekh oo heshiis ka gaaray sida loo qeybsanayo dhaqaalaha gobolka

Muqdisho (Caasimada Online ) – Iyadoo mudooyinkaani danbe uu xumaa xiriirka Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa waxaa hadana soo ifbaxeysa in labadaasi Mas’uul ay xal hoosaad ka gaaren Khilaafkii u dhexeeyay.

Ilo xogagaal ka tirsan Maamulka sare ee Gobolka Banaadir ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in labadaasi Mas’uul ee aan kor ku soo xusnay ay iminka isku fahmeen xal ka gaarista Khilaafka waxaana la soo warinayaa in Mungaab iyo Xasan Sheekh ay isla fahmeen maareynta dhaqaalaha bil waliba kasoo xarooda Gobolka Banaadir.

Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in Guddoomiyaha Gobalka Banaadir uu bil waliba Madaxweyne Xasan u qorsheeyay qeyb kamid ah dhaqaalaha kasoo xarooda Gobolka waxa ayna isla fahmeen in dhaqaalahaasi 70% loo gudbiyo Madaxweyne Xassan, halka 30% ay ku dhaceyso qasnada Gudoomiyaha Gobolka.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa markii hore la siin jiray kaliya 15% dhaqaalaha gobolka Banaadir.

Heshiiskaani hoose ayaa waxaa ka shaqeeyay Xubno ka tirsan Madaxtooyada Somalia, sida laga soo xigtay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, waxa uuna ujeedku ahaa in meesha laga saaro muran hoosaad u dhexeeyay labada Mas’uul oo sababay in Mungaab loogu goodiyo inuu weyn doono xilka Maamulka Gobolka Banaadir.

Isfahanka Madaxweyne Xassan iyo Mungaab ayaa imaanaya xili labaduba ay u taagan yihiin doorashada la filaayo in sanada 2016-ka ay ka dhacdo Somalia.

Geesta kale, Isfahankaani waxa uu muujinayaa in Madaxweyne Xassan uu dib uga laabtay go’aankii uu ku doonaayay inuu xilka uga qaado Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, bacdamaa waxyaabihii keenay Khilaafka xal laga gaaray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com