Xildhibaan Xidig oo qalaalse siyaasaded ka wada XAMAR, isaga oo u adeegaya Gaas iyo Madoobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo mudooyinkaani danbe uu sii xumaanayey xiriirka DF Somalia iyo Maamul Goboleedyada dalka ayaa waxaa hadana jiro Mudanayaal ka tirsan BF Somalia oo iyagu garwadeen ka ah Khilaafyada ka dhexeeya DF iyo Maamul goboleedyada dalka.

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo kamid ah Mudanayaashaasi ayaa dhabjinaaya Siyaasada ay DF Somalia ka damacsan tahay dalka, waxa uuna dadaal xoogan xiligaani ku bixinayaa sida Maamul Goboleedyada ay uga awood roonaan lahaayen Dowlada Somalia.

Xidig oo kulamo kala duwan Magaalada Muqdisho kula qaatay Xildhibaano kasoo kala jeeda Deegaanada Jubbaland iyo Puntland ayaa waxa uu kala hadlay sida ugu sahlan ee Beelaha dega labadaasi deegaan ay ku heli lahaayen wax uu ugu yeeray xaqa ay ku tabayaan DF Somalia, waxa ayna Xildhibaanadaasi gaarayeen ilaa Sideed Xildhibaan, sida ay xogtu ku heshay Caasimada Online.

Ujeedka ugu weynaa ee kulamadaasi laga damacsanaa ayaa waxaa kamid ahaa sida ay DF Somalia ku dhaqan galinlaheyd rabitaanka Hogaamiyayaasha Jubba iyo Puntland oo iyaga gooni isaga faquuqaya Maamulada kale ee dalka ka dhisan iyo in Dowladu aysan ku dhiiran diidmada go’aanada kasoo baxa Maamuladaasi.

Kulanka inta uu socday ayaa waxaa la soo sheegayaa in Xildhibaanadu ay is weydiyeen Su’aal ah taageerida go’aanada Gaas iyo Axmed Madoobe ay ka qaaten DF Somalia, waxa ayna si wada jir ah isugu raacen in go’aanadaasi ay yihiin kuwo ay Hogaamiyayaashu qaaten xiligii loo baahnaa.

Xildhibaan Xidig ayaa isagu kaalimaha koowaad kaga jira Mas’uuliyiinta dadaalka ku bixisa sida xili waliba lagu gaari lahaa xalinta baahiyaha uu tabanaayo Axmed Madoobe waxa ayna Hogaamiyahaasi wadaagan siyaasad hoose oo mideyneysa.

Xidig oo sidoo kale Saaxiib dhow la ah Madaxweyne Xassan ayaa waxa uu xiligaani Madaxweynuhu ku qaalqaalinayaa inuu Safar ku gaaro Magaalada Kismaayo si mar un loo xaliyo Siyaasadaha gaarka ah ee uu tabanaayo Axmed Madoobe, hayeeshee waxa ay xogtu tibaaxeysaa in Xassan Sheekh uu ka didsan yahay booqasho uu ku gaaro Kismaayo iyo deegaanada uu ka taliyo Axmed Madoobe.

Arrintaani ayaa ka danbeysay kadib markii Axmed Madoobe uu Madaxweyne Xassan ka dalbaday in Xubno ka tirsan BF Somalia loo dalacsiiyo heer Wasiiro, waxa ayna taasi sara qaaday dareenka Siyaasadeed uu Xassan Sheekh ka qabo Axmed Madoobe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com