Ahlu-Suna oo qabsatay Caabudwaaq + Xaalada

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud oo ku jirta gacanta Ururka Ahlusunna wal-jameeca ayaa sheegaya in Saaka halkaasi laga dareemaayo dhaqdhaqaaq Ciidan oo ay wadaan Ciidamada Ururka Ahlusunna.

Gudaha iyo banaanka sare ee Degmada Caabudwaaq, ayaa waxaa lagu arkayaa Ciidamo farabadan kuwaasi oo wada guluf colaadeed ay kaga soo horjeedan Ciidamada DF Somalia iyo kuwo kale oo Maleeshiyaad ah oo iyagu doonaayo inay dib uga saaran deegaankaasi Ahlusunna.

Ciidamada Ahlusunna ee Degmada Gacanta ku dhigay ayaa Gacan siinaya Ciidamo Dadka Degaanka ay u sameeyeen Degmada Caabudwaaq ee Gobolka galgaduud.

Saraakiisha Ahlusunna ee hada Gacanta ku haya Degmada Caabudwaaq ayaa Amar ku bixiyay in Talaabo laga qaadayo Cidii sameysa fal Amniga lid ku ah.

DF Somalia ayaa qaska Degmada Caabudwaaq u adeegsaneysa Maleeshiyaad ku dhex nool deegaanada Maamulka Ahlusunna kuwaasi oo weeraro lagu qalqal galinaayo Ahlusunna ka geysta gudaha Magaalada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com