GALMUDUG: Hadafkeenu waa in ragga naga soo horjeeda aan runta u sheegnaa, cabsi ma qabno!

Cadaado (Caasimada Online ) – Xildhibaan Cabdullaahi Macalin Gaafow oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug, ayaa ka hadlay wararka sheegaya in wada hadal uu Maamulka kala dhexeeyo ururka Ahlusunna.

Mudanaha waxa uu sheegay in dhamaan Xildhibaanada iyo Odayaasha dhaqankuba dadaal dheer ugu jiraan sida Ahlusunna looga dhaadhicin lahaa Hadafka uu ku dhisan yahay Maamulka Galmudug iyo xal u helida tabashooyinkooda.

Xildhibaan Cabdullaahi Macalin, ayaa sheegay in hadafka ugu weyn oo ay tiigsanayaan uu yahay in geed dheer iyo mid gaabanba ay u koraan sidii ay wada hadal ula geli lahaayeen cid walba oo wax ka tabanaysa ayna uguna horeyso Ahlu-sunna Waljameeca.

Wuxuu sheegay in Maamulka uu wado qorshayaal badan oo xal looga gaarayo waxyaabaha ay tabanayaan garabka Ahlusunna waxa uuna tibaaxay inaysan meel dhow uga hari doonin wada hadalka oo ay ka mirro dhalin doonaan.

“Diyaar baan u nahay in wada hadal aan la galno Ahlu-sunna Waljameeca, waxaad ogtihiin in madaxweynaha Galmudug uu ku dhawaaqay arrinkaasi, markii la doortay, anigana shaqsi ahaan aad baan u aqaanaa Ahlu-sunna waana isla soo shaqeynay”

Dhanka kale, Xildhibaan Cabdullaahi Macalin Gaafow waxa uu Maamulka Ahlusunna ugu baaqay inay u jilicsanaadan wada hadalka lala furi doono si loo dhageysto cabashooyinka wax badana looga qabto.

Rajo wanaagsan ayuu ka muujiyay natiijooyinka ka dhalankara wada hadalka furmi doona, waxa uuna DF Somalia ugu baaqay inay gacan wanaagsan ka geysato.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com