GEN. DIINI: “Ha isku tashadaan reer Baardheere”

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya C/qaadir Sheikh Cali Diini ayaa ka hadlay howlgalada ciidamada dowlada Soomaaliya ay kula wareegeen degmada Diinsoor ee gobolka Baay iyo degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Wasiirka gaashaandhiga ayaa sheegay in ciidamadii la wareegay degmada Diinsoor iyo degmada Baardheere aysan dhibaato ka geysan doonin oo la doonayo iney xaqiijiyaan amaanka degmooyinkaasi  iyo deegaanada ku xeeran sida uu hadalka u dhigay.

C/qaadir Sheikh Cali Diini, ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan degmooyinkaasi iney isku tashadaan, taasi oo uu kala jeeday in maamulka degmooyinkaasi uusan noqon doonin mid banaanka kaga yimaado oo dadka deegaanka ay keensan doonaan.

“Shacabka maamul ay raali ka yihiin ayay sameysanayaan, waxaan leeyahay waa iney isku tashadaan sababtoo an dowlada Soomaaliya qorshaheeda ma ahan in maamul aysan ka warheyn dusha kaga geyso”ayuu yiri wasiirka gaashaandhiga.

Hadalka wasiirka ayaa kusoo aadayaa iyadoo degmada Diinsoor ay leedahay gudoomiye degmo oo muddo ka badan sideed sano dibad joog ka ahaa degmadaasi, walow maanta uu si rasmi ah u tagay degmadaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com