Affeey oo mowqif aysan fileyn Gaas iyo AXMED MADOOBE qaatay kuna amray Puntland inay…

Cadaado (Caasimada Online) – Urur goboleedka IGAD ayaa fariin adag u diray ururka Ahlu-Sunna ee gobolaa dhexe iyo maamulka Puntland oo deris la ah maamulka Galmudug ee madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed ka yahay.

Maxamed Cabdi Afeey, wakiilka urur goboleedk IGAD oo shalay gaaray magaalada Cadaado kana qeyb galay caleemo saarka madaxweynaha Galmudug ayaa qaatay go’aan lama filaan ah oo uu ku taageeray GALMUDUG, waxa uuna sidoo kale sheegay in maamulka Puntland iyo Ahlu sunna ugu baaqayaan iney nabada qaataan.

Wuxuu sheegay in labada dhinac laga doonayo iney  kamid noqdaan maamulka Galmudug ayna taageeraan, wuxuuna si gaar ah u sheegay in Ahlu sunna laga doonayo iney kusoo biiraan maamulka Galmudug ayna joojiyaan mucaaradnimada.

“Ma jirto maamul dhisan oo maamu kale loo duminayo, waxaan leeyahay Ahlu sunna nabada qaata oo kamid noqda maamulka Galmudug” ayuu yiri Afeey xili uu saxaafada kula hadlayay magaalada Cadaado.

Maamulka Puntland ayuu ugu baaqay iney taageeraan maamulka Galmudug ee Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed.

Hadalka Affey, ayaa ah mid aan siyaasad ahayn laga fileyn, maadaama la rumeysan yahay inuu ku xiran yahay Axmed Madoobe oo Puntland saaxiib la ah, kuwaas oo diiday maamulka Galmudug, waxaana la filayey inuusan taageeri doonin maamulkan cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud.
Caasimada@live.com