Siyaas reer Puntland ah oo lagu xiray Haregysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ilo xog ogaal inoo sheegeen waxaa magaalada Hargeysa lagu xiray agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada Puntland , kaasi oo wararka qaar ay sheegayaan in lagala baxay hotel uu ku sugnaa oo ku yaala magaalada.

Axmed Keyse Cali, agaasimaha waxbarashada Puntland ayaa la sheegayaa inuu howlo shaqo u tagay magaalada Hargeysa iyadoo aan la ogeyn waxyaabaha dhabta ah ee uu u tagay Somaliland.

Wararka ayaa sheegaya in agaasimaha uu maalmahaan ku sugnaa magaalada, waxaana hotelkiisa isagoo ku sugan lagu helau batoolad uu isku waardiyeynayay laakiin ciidamada amaanka ay ka shakiyeen lana dhigay xabsiga dhexe ee magaalada.

Agaasimaha guud wasaarada waxbarashada Puntland ayaa kasoo jeeda gobolka Sool waxaana loo badinayaa in shaqsiyaad Somaliland ka tirsan iney shirqooleen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com