25.4 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Wakiilka Xisbiga PDP ee Qarada Yurub oo cambaareeyay qaraxii Maanta

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Wakiilka Xisbiga Nabadda iyo Horumarka PDP ee qaarada Yurub Mr Hassan Abdulkadir Mudeey oo howlo shaqo u joogo magaalada Muqdisho ayaa cambaareeyay weeraarkii lagu dilay Xildhibaan Maxamed Warsame Feysal oo ka tirsan Baarlamaanka xili uu ka degayay gaarigiisa oo lagu soo rakibay walxaha qaraxa.

Mr. Hassan Abdulkadir Mudeey oo ku hadlayay magaca xisbiga PDP ayaa geerida xildhibaanka ku tilmaamay mid laga naxo, wuxuuna ugu tacsiyadeeyay ehelada xildhibaanka iyo shacabka Soomaaliyeed geeridaasi ku timid marxuumka.

xisbi

Mas’uulkan ayaa sheegay in weerarka lagu dilay xildhibaan Maxamed Warsame ay ka dambeeyeen wax uu ku sheegay kooxaha nabadda iyo dowladnimada diidan, isagoo ugu baaqashay shacabka Soomaaliyeed iney meel ugu soo wada jeestaan kuwa diidan nidaamka dowladnimada.

- Advertisement -

Read more

Local News