Walaacyo laga muujiyay qorshe Dowladda Sacuudiga ka damacsan tahay Mesjidka Nebiga NNKH.

Saddex ka mid majsidyada ugu da’da weyn caalamka ayaa lagu wadaa in la bur buriyo, ayada oo Saudi Arabia ay balaayin dollar dib u habeyn ugu sameyneyso goobta labaad ee ugu barakeysan islaamka.

Howsha laga qabanayo Masjidu an-Nabawi ee magaalada Medina, halkaasi oo uu ku aasan yahay sharaf badne Nebiyullahi Muxammed NNKH, ayaa lagu wadaa inay billaabato dhammaadka bisha soo socota.

Marka howsha lasoo geba gebeeyo ayaa Masjidka waxa uu noqon doonaa dhismaha ugu ballaaran caalamka, oo qaadi kara 1.6 milyan oo qof.

Si kastaba, walaacyo xoogan ayaa laga muujiyay in horumarka lagu sameynayo masjidka uu horseedi doono in goobo taariikhi ah oo ka tirsan Masjidka la bur buriyo.

Inta badan ballaarinta masjidka ayaa ka dhici doonta dhinaca galbeed ee masjidka, oo ay ku yaalaan khubuuraha Nuurkii Islaamka Nabiyullahi Muxammed NNKH iyo asxaabu Rasulillahi Abu Bakar Sadiiq (RC) iyo Cumar Bin Khadab (RC).

Meel dibedda ka ah dhinacan Galbeed, waxaa sidoo kale ku yaalla Masjidyo loo hibeeyay Abu Bakar iyo Cumar iyo sidoo kale Masjidka Qamama, oo laga dhisay goobtii Kor ahaayee Nabi Muxammed NNKH uu ku dujiyay ciidii ugu horeysay.

Dowladda Sucuudiga weli ma aysan shaacin qorshaheeda iyo in Masjidyadaasi ay meel kale u rari doonto ama halkooda lagu dhaafi doono.

“Cidna Ma diidana in Masjidka Madina uu u baahan yahay ballaarin, hase yeehsee habka dowladda ay arrinta u wajaheyso ayaa walaac ah” ayuu yiri Dr. Ifran Al-Calawi oo ka tirsan hay’adda Islamic Heritage Research Foundation.

“Waxaa jira habab kale oo oo looga fogaan karo in la bur buriyo goobaha taariikhiga ah, intii dhammanatood dhulka lala simi lahaa” ayuu yiri Calawi.

Masjidyada Mekka iyo Medina ayaa la xarbinaya inay qaadaan muslimiinta tirada badan ee sanad kasta imaneysa. Sanadkan waxaa booqatay 12 Milyan oo qof, wxaaana la filayaa in tiradaas ay gaarto 17 Milyan sanadda 2025, haddii eebe nagu simo.

Boqortooyada Saudi Arabia waxa ay aaminsan tahay inay mas’uul ka tahay arrintan, sidaa darteedna waxa ay sheegtay inay sameyn doonto wax kasta oo macquul si loo ballaariyo labada masjid.

Dadka u doodaya in la ilaaliyo goobaha taariikhiga ah ee ku dhex yaallla Mekka iyo Medina ayaa sheegaya in mar kasta oo dib u ballaarin lagu sameynayo labada masjid ay meesha ka baxaan meelo badan oo taariikhi ah.

Waxaa la rumeysan yahay in 95% goobihii asalka iyo taariikhiga ahaa ee labada Masjid la bur buriyay, 20-kii sano ee lasoo dhaafay, markaasi oo ballaarin badan lagu sameeyay labada Masjid ee barakeysan.

Tusaale goobihii lagu bur buriyay Mekka waxaa ka mid ah bartii uu ku dhashay Suubane Nebiyullahi Muxammed NNKH oo laga dhigay maktabad iyo gurigii ay lahaan jirtay xaaskiisa Hooyada mu’miniinta Khadiijah oo loo beddelay meelo lagu weysaqaato, sida ay sheegeen dadka u doodaya in la ilaaliyo goobaha taariikhiga ah.

Dowladda waxa ay difaacday tallaabooyinkeeda, sababtoo ah bay tiri “Waa lagama maarmaan si dadka tirada badan loo qaadsiiyo Masjidyada”.

W/Q: Axmed Cali Sheikh

Tifaftiraha Caasimada Online

www.facebook.com/alaxmed