26.9 C
Mogadishu
Tuesday, December 16, 2025

“Walaalkey waxa uu ku baxay gacanta Axmed Madoobe isagaana ka jawaabi”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulka Axmed Madoobe ay bartamaha Magaalada Kismaayo ku toogteen Nin la dhashay Xildhibaan C/laahi Yuusuf Cali oo xubin ka ah BF Somalia.

Dilka ninkaani, ayaa dhacay xili ay Ciidamada Maamulkaasi wadeen Howlgalo ka dhacaayay xaafada Guulwade, kadib markii halkaasi uu ka dhacay Qarax loo aasay Ciidamada Maamulkaasi.

Xildhibaan C/laahi Yuusuf Cali oo u waramay warbaahinta, ayaa xaqiijiyay dilka walaalkii loogu geystay Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ee Kismaayo.

Xildhibaanku ma uusan sheegin sababta ka dambeysay dilka walaalkiis, hase ahaatee ay soconayaan macluumaad uruurin la xiriirta, qaabka uu u dhacay dilka.

Isagoo dilka ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri ”Haa walaalkey waxa uu ku baxay gacanta Ciidamada Jubba. iyaga ayaa laga sugaa sababta ay ku dileen xisaabtan ayaa ka dambeyn doono”

Dhanka kale, Maamulka Jubbaland iyo Saraakiisha Ciidamada Maamulkaasi weli kama aysan hadlin dilka Marxuumaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News