Waqtiga ay dhaceyso Xafladda caleemo-saarka Axmed Madoobe oo la shaaciyey iyo Guddi lamagacaabay.

Kismaayo-(Caasimada Online)-Kulan aan caadi ahaayn oo maanta ay iskugu yimaadeen Golaha Wasiirrada Jubbbaland, lix maalin kaddib dib u doorashadii Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lagu iclaamiyay waqtiga la qabanayo Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland.

Golaha Wasiirrada oo kulankooda ku gorfeeyay arimo badan oo ay ka mid tahay xayiraadii xukuumadda federaalka ka saarneed magaalada Kismaayo ayaa soo hadal qaaday arimaha caleemo saarka Madaxweynaha.

Golaha ayaa guddi qaban qaabo u magacaabay xafladda caleemo saarka, waxaana guddoomiye looga dhigay Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Jubbaland Cabduqaadir Xaaji Maxamed (Luga-dheere).

Kulankii golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale waxaa lagu iclaamiyey waqtiga ay dhaceyso xafladda caleemo saarka, iyadoo loo asteeyey inay dhacdo Munaasadda Caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland 26/9/2019.

Guddiga loo xilsaaray qaban qaabada xafladda caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland Axnmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa la faray inay dar-dar galiyaan howlaha loo igmaday.

Caasimada Online

Xaafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com